Haqabtirenews.com
Wararkii ugu dambeeyay ee Ilkay Gundogan oo qarka usaaran inuu heshiis u saxixo Manchester City – qiimaha iyo waqtiga heshiiska uu dhici doono oo la shaaciyay.
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Manchester City ayaa ku dhow inay heshiis £ 20million kusoo qaataan xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Ilkay Gundogan ah.

Gundogan ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee tababare cusub ee City Pep Guardiola – inkastoo uu soo gaaray dhawac jilibka ah dhawaan.

Xiddiga Jarmalka ayaa seegi doona Euro 2016 ka dib dhaawacaasi, kaasoo uu ku maqnaan doono muddo shan bilood ah.

Laakiin Gundogan, oo 25 jir ah, ayaa hadda tallaabo u qaaday sidii uu ugu dhaqaaqli lahaa kooxda Manchester City.

Heshiiska ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha August, xiligaasoo ah bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Qorre: maxamed jeesto

 

COMMENTS
Latest News