Haqabtirenews.com
RASMI: Yaya Toure oo iska diiday dalabyo kaga yimid Chine & Serie A, si uu kaga sii xamaasho Premier League – haddaba kooxdee ayuu ku biiri doonaa??
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Yaya Toure ayaa iska diiday dalab LABAAD oo kaga yimid Horyaalka Shinaha oo laca badan looga soo bandhigay markale.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City ayaa sidoo kale iska diiday fursad uu ugu dhaqaaqayo kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan, tasoo uu hogaaminayo tababarihii hore ee City Roberto Mancini,

xiddiga heerka caalami ee Ivory Coast Toure, oo hal sano uga harsan tahay qandaraaskiisa £ 230,000-isbuucii kaga qaato hadda City, ayaa ay ka go’an tahay in uu sii joogo Premier League islamarkaana uusan dooneyn inuu ka tago kubada cagta Ingariiska.

Mirror Sport ayaa ogaatay in ay jirto dhibaato u dhexeeysa Toure iyo tababaraha City Pep Guardiola, waxaana macalinka reer Spain la xusuustaa inuu kooxdiisa Barcelona kasoo diray 2010.

Yaya Toure shouts instructions

Qorre: maxamed jeesto

 

COMMENTS
Latest News