Haqabtirenews.com
Qiimaha Tikidhada Finalka Champions League Ee Real Madrid & Atletico Madrid Oo Gaaray 12 Kun Euro.
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Inaan hesho tikidh kulanka sabtida ee finalka Champions League waa inaad jeebka gacanta geliso weliba si qoto dheer. Iyadoo tikidhada suuqa madow lagu iibinayo internetka madaama qiimihii saxda ahaa lagu wada iibsaday tikidhada garoonka San Siro.

Tikidhka ugu jaban ee laga helayo ticketbis.com ee kulanka sabtida ee u dhaxeeya Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ah kun euro, iyadoo celcelis ahaan qiimaha tikidhada ay yihiin 1.951 euro, waana boqolkiiba 15 in ka hooseysa celcelis ahaan qiimihii tikidhada ee finalkii Berlin 2015.

1464175958_210299_1464176076_noticia_normal

Taageerayaal ka kala socda in ka badan 40 wadan ayaa tikidho ka iibsaday shabakadaan iyadoo boqolkiiba 22 iibsashadaas ay ka timid Spain, Mexico, Brazil iyo Argentina, halka wadamada kale ay ahaayeen kuwa ugu badan ee iibsaday tikidhada.

Tikidhada ugu qaalisan waxaa iibsaday taageerayaal ka soo jeeda UK kuwaasoo ka bixiyay lacag ka badan 12 kun euro waana qeybta marti sharafta. Waana tikidhkii ugu qaalisanaa ee lagu iibiyo shabakadaan intii ay jirtay.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News