Haqabtirenews.com
Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yiri In Jose Mourinho Uu Macalin ka Noqonayo Kooxdiisa Hore Ee Manchester United?
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan Manchester United uu ka lumay aqoonsigooda tan iyo markii uu ka tagay Sir Alex Ferguson laakiin waxa uu aaminsan yahay in magacaabista Jose Mourinho inay u fiican tahay kooxda.

Ronaldo ayaa lix sanno ku qaatay Old Trafford intii u dhaxeysay 2003 iyo 2009 ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid, halkaasoo uu ka hoos ciyaaray Mourinho muddo seddex xilli ciyaareed.

Iyadoo tababaraha reer Portugal uu ku dhow yahay in loo xaqiijiyay shaqadiisa Manchester United ka dib markii la ceyriyay Louis van Gaal, Ronaldo ayaa rajeynaya in 53 jirkaan inuu noqdo ninka ku haboon ee guulaha kooxda soo celin kara.

340392_heroa

“Waxaan qabaa inay tahay wax fiican. Haddii ay tahay wax ay United dooneyso, waxaan qabaa inay tahay wax fiican” ayuu Tonaldo u sheegay barnaamijka Jugones ee ka baxaya TV-ga La Sexta.

“Waxaan rajeynayaa in Manchester United ay ku soo laabato sidii ay ahaan jirtay sababtoo ah waa koox cajiib ah laakiin sannadihii u danbeeyay waxaa ka lumay aqoonsigooda.

“Waana ay i dhaawaceysaa inaan United sidaas ku arko sababtoo ah waa koox qalbiga iiga taala.

“Waxaan rajeynayaa in Mourinho uu kooxda ku soo celin doono meesha ugu sareysa.”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News