Haqabtirenews.com
Ka hor Finalka Champions Leaque-ga, UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Isku Darka Kooxaha Real Madrid Iyo Atletico Madrid Ee Ku Salaysan Dhibcihii Lagu Herlay Ciyaartoyda Labada Kooxood Ee Champions League Fantasy Football Iyo Xidigaha Shaxdan Ka Soo Muuqday.
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ka hore finalka Champions Leaque-ga soo saartay shaxda isku darka kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid oo finalka iskugu soo hadhay, waxayna shaxdani ku salaysan tahay ciyaartoydii dhibcaha ugu badan xili ciyaareedkan lagaga helay  Champions League Fantasy Football. Ciyaartoyda labada kooxood ee dhibicii ugu badnaa lagu helay ayaa shaxdan ka soo muuqday.

Dadka aduunka ee kubbada cagta xiiseeya ayaa ka qayb qaata tartanka  Champions League Fantasy Football ee xili ciyaareed kasta wuxuuna qofkastaaba uu soo doortaa shaxda ugu fiican ee uu u arko in uu dhibcaha ugu badan ku heli karo. Ciyaartoyda ayaa laga soo xushaa kooxaha tartanka Champions Leaque-ga ku  jira waxaana dhibcaha ugu badan lagu helaa ciyaartoyda qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigta, waana arinta ay UEFA shaxdan ku salaysay.

Gareth Bale ayaa ku dooday in hal ciyaartoy oo kooxda Atletico Madrid ahi aanu boos ka heleen shaxda kooxdiisa Real Madrid, laakiin taas UEFA ayaa xidiga ree Wales tustay in aanu isagu xili ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican ku soo badhigin Champions Leaque-ga isla markaana aanay boos uga hayn shaxda isku darka labada kooxood ee ku salaysan qaab ciyaareedkii Champions Leaque-ga.Real Madrid vs Atletico Madrid

Haddii uu Bale ku dooday in hal ciyaartoy oo Atletico Madrid ahi aanu shaxda Los Blancos ka heleen boos, xidiga Atletico Madrid ee Koke ayaa isna qaba in Real Madrid ay dariiq sahlan u soo martay finalka Champions Leaque-ga isla markaana ayna soo reebin koox koobka loo saadaalinayay halka uu sheegay in ay iyagu  soo rebeen Barcelona iyo Bayern Munich.Bale

Atletico Madrid ayaa shaxdan ku leh lix ciyaartoy waxaana ugu jira goolhaye Jan Oblak oo xili ciyaareedkan wacdaro cajiib ah dhigay isaga oo 8 kulan oo Champions Leaque-ga ah garoonka ka baxay iyada oo aan wax gool ah laga dhalin kadib markii ay kooxdiisu ciyaartay 12 kulan oo Champions Leaque-ga ah. Waxaan sidoo kale Atletico Madrid ugu jira Juanfran oo difaaca midig ah, Deigo Godin oo difaaca dhexe ah, Gabi oo khadka dhexe ah halka Griezmann io Saul ay weerarka ku jiraan.

Real Madrid ayaa iyaguna shaxddan  ka helay shan ciyaartoy , waxaana ku jira Marcelo oo difaaca bidix ah, Sergio Ramos oo difaaca dhexe ah, Luka Modric iyo Toni Kroos oo khadka dhexe ah halka Ronaldo uu safka weerarka ku weheliyo Griezmann iyo Saul.

Haddaba akhriste halkan hoose kaga bogo shaxda oo dhamaystiran, ciyaartoy kastaba inta kulan ee uu Champions Leaque-ga ciyaaray iyo waliba dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football:-

Goolhaye: Jan Oblak, Atlético Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 67
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 12

Difaaca Midig: Juanfran, Atlético Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 57
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 11

Difaaca Dhexe: Diego Godín, Atlético Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 61
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 11

Difaaca Dhexe Sergio Ramos, Real Madrid

Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 55

Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 9

Difaaca Bixid: Marcelo, Real Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 56
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 10

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Real Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 40
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 11

Khadka Dhexe: Gabi, Atlético Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 48
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 12

Khadka Dhexe: Luka Modrić, Real Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 37
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 11

Weerarka: Saúl Ñíguez, Atlético Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 50
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 12

Weerarka: Antoine Griezmann, Atlético Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 57
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 12

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Real Madrid
Dhibcihii lagaga helay Champions League Fantasy Football: 97
Kulamadii uu ciyaaray Champions Leaque-ga: 11

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News