Haqabtirenews.com
Inuu Koox Doortay, Inuu Ku Biirayo Man United, Fekerkiisa Ku Aadan In Mourinho Uu Macalin Ka Noqonayo Man Utd Iyo Waxyaabo Kale Uu Ka Hadlay Zlatan Ibrahimovic Maanta.
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa iyo halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka danbe.

Xiddiga reer Sweden ayaa si xor ah uga tagay kooxda Paris Saint-Germain ka hor tartanka xagaagan ee Euro 2016.

Ciyaaryahanka ayaa sheegay inuu dalabyo ka helay dunida dacaladeeda oo ay ku jiraan England iyo Talyaaniga.

“Waxaan dalabyo rasmi ah ka helay England, Italy iyo dhamaan wadamada oo dhan” ayuu yiri Zlatan Ibrahimovic oo ka hadlayay shir jaraa’id uu maanta qabtay.

zlatanibrahimovic-cropped_o9aq4oc7mo0k1fnrqh8gm6ody

“Mustaqbalkeyga waa la qoray. Waan doortay kooxdii aan rabay” ayuu yiri, si kastaba, waa uu diiday inuu sheego kooxda ay tahay.

Markii si toos ah loo weydiiyay inuu dalab ka helay kooxda Old Trafford ka dhisan, Ibrahimovic ayaa dhoolacadeeyay ka hor inta uusan dhihin: “Waxba ma balanqaado, waxaan sheegay inay dalabyo sax ah ka yimaadeen Premier League, sidaasi darteed aan aragno waxa dhaca.”

Ibrahimovic ayaa sidoo kale ka hadlay fekerkiisa ku aadan in Jose Mourinho u dhaqaaqayo Manchester United oo ka mid ah kooxaha sida xoogan loola xiriiriyay.

“Waxaan qabaa inay tahay talaabo weyn, haddii aad dooneysid waxqabad, waxaad dooneysaa inaad keensato Mourinho. Waxaan aaminsanahay inuu yahay ninka meesha ugu sareysa ku soo celin kara, meel kasta uu aaday wuu soo guuleystay. Wuu yaqanaa waxa uu sameynayo. Haddii aad guul dooneysid, waa inaad keensato Mourinho.” ayuu yiri.

Ibrahimovic ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu xiriir la leeyahay tababarihiisa hore laakiin waxa uu sheegay inaysan wada xiriirin isbuucaan.

“Waxaan la hadlayay maalin walba tan iyo markii aan ka tagay Inter. Wax qarsoon ma ahan, xiriir wanaagsan ayaa la leeyahay Mourinho, waana xiriireynay laakiin ma aanan xiriirin isbuucii hore, muddo sannado ah ayaan hadleynay waana intaas. Maxaad dooneysaan inaad ogaataan? Ii sheega?”

Markii la weydiiyay inuu xaqiijiyo haddii uu dalab ka helay Man United Ibrahimovic ayaa mar kale qoslay oo yiri: “Aan aragno waxa dhaca.”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News