Haqabtirenews.com
Fernando Torres Oo Sheegay In Kulanka Finalka Champions Leaque-gu Uu Yahay Kulankii Noloshiisa Ugu Muhiimsanaa, Isaga Oo Doonaya In Ay Taariikh Cucub U Sameeyaan Kooxdooda.
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xidiga kooxda Atletico Madrid ee Fernando Torres ayaa ku riyoonaya in uu kooxdiisa kula guulaystay koobka Champions Leaque-ga, wuxuuna sheegay in finalka Champions Leaque-gu uu yahay kulankii noloshiisa ugu waynaa isla markaana ay doonayaa in ay kooxooda taariikh cusub u sameeyaan. El Nino ayaa ka hor finalka Champions Leaque-ga la hadlayay beIN SPORTS ayaa sheegay in guuldaradii finalkii Lisbon ay dhiiro galin ka helayaan.

Torres ayaa doonaya in muddo 113 sano ah oo ay kooxdoodu soo jirtay in ay markii ugu horaysay ku guulaystaan Champions Leaque-ga isla markaana ay bog taariikh cusub ah kooxda u sameeyaan. Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa sabtida ku badalsan finalka Champions Leaque-ga oo ka dhici doona Milan.Torres

 

Fenando Torres oo ka hadlayay muhiimada kulanka finalka Champions Leaque-ga ayaa yidhi: “Kani waa kulankii noloshayda ugu muhiimsanaa, waa fursad aanu ku qori karno bog aan la soo qorin muddo 113 sano ah oo ah taariikhda kooxda. Waxaan fursad u haystaa in aan ka rumeeyo riyadayda waana riyo aan haystay ilaa markii aan carruurta ahaa iyo in aan kooban kula guulaysto kooxdan”.

Torres oo ka hadlaya xusuustii finalkii Champions Leaque-ga ee Lisbon oo Real Madrid ay kooxdiisa kaga qaaday koobkan inkasta oo uu isagu markaa ka maqnaa ayaa yidhi: “Wixii tagay kaliya waxa uu kaa caawinayaa in aad sii fiicnaato, kaliya waxaanu ka fikiraynaa Milan iyo waxa hadda jooga”.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News