Haqabtirenews.com
Ciidamada Booliska Berbera Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Labaad Ee Baadigoobka Looga Jiray
May 26, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Berbera:Ciidamada Booliska Berbera Ayaa Habeenkii Xalay Xabsiga Utaxaabay Wariyihii Labaad Ee La Raadinaayay Oo Ah Wariye Axmed Siciid Maxamed Oo Ah Wakiil Wareedka Tvga Kalsan Tv Ee Gobolka Saaxil, Wariyahan Oo Xadhigiisu La Xidhiidho Warqadii Dacwada Ah Ee Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Ugudbiyay Ciidamada Booliska Berbera.

Wariye Axmed Siciid Maxamed Waxa La Qabtay Isaga Oo Kasoo Galay Dhinaca Magaalada Hargeysa Oo Uu Ku Maqnaa Oo Uu Shalay Subax Hawl Ugaara Utagay.

Waxaana Hada Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Berbera Ku Xidhan Laba Wariye Oo Kala Ah Cabdiraxmaan Maxamed Cige Oo Ah Wakiil Wareedkii Tvga Somnews Iyo Wariye Axmed Siciid Maxamed Oo Ah Wakiil Wareedkii Tvga Kalsan Sidoo Kale Waxa Xarunta CID Looga Yeedhay Wariye Soofadhiiste.

Xadhiga Wariyayaashan Ayaa Waxa  Amarkiisa Bixiyay Oo Waraaq Dacwad Ah Ka Gudbiyay Mayarka Degmada Berberra Sida Ay Sheegeen Ciidamada Booliska Oo Wariyayaasha Tusay Waraaqdaas Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Wariyayaasha Xidhani.

Si Kastaba Ahaate Waxa Aan La Garanayn Sababta Ay Salka Ku Hayso Qabqabashada Wariyaasha Ka Hawl Gala Magalada Berbera Sida Oo Nosoo Sheegeen  Wariyayaal Ku Sugan Ee Magalada Berbera Yaasin In Saaka Looga Yeedhay Xarunta CID Wariye Soo Fadhiiste Oo Ah Wakiil Wareedka Tviga Somalichannal.

 

 

COMMENTS
Latest News