Haqabtirenews.com
WARBIXIN: Ka Dib Saxiixa Granit Xhaka Sidee Ayay Noqon Kartaa Shaxda Kooxda Arsenal Xilli Ciyaareedja Danbe?
May 25, 2016 - Written by Sports Staff
">

Arsenal ayaa dhameystirtay saxiixa xiddiga burburiyaha khadka dhexe Granit Xhaka kaasoo heshiis waqti dheer ah u saxiixay ka dib markii uu heshiis 30 milyan ginni ah uga soo wareegay kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach.

23 jirkaan burburiyaha khadka dhexe ayaa la filayaa inuu xilli ciyaareedka danbe boos ka raadsado shaxda Arsenal, waxaana uu tartan kula jiraa xiddigo dhowr ah oo iyagana u dagaalamaya inay ku soo bilowdaan.

Iyadoo taas maanka lagu hayo, shabakada caalamiga ah ee Goal ayaa qiimeysay sida uu Granit Xhaka uga mid noqon karo shaxda Arsene Wenger ee xilli ciyaareedka danbe.

Wenger ayaa la filayaa inuu ceshto dookhiiska koowaad ee shanta danbe ee ka kooban Petr Cech, Hector Bellerin, Per Mertesacker, Laurent Koscielny iyo Nacho Monreal, halka Oliver Giroud uu afka hore ka sii ciyaari doono haddii aysan kooxda keensanin Alvaro Morata.

Wenger ayaase doonaya inuu wax ka bedelo khadkiisa dhexe madaama ay kooxda ka tagayaan Mikel Arteta, Mathieu Flamini iyo Tomas Rosicky islamarkaana uu Mohamed Elneny uu u hayaamayo Koobka Qaramada Afrika oo xulkiisa Masar uu ka qeybgalayo bisha Janaayo.

3196132.jpg

Santi Cazorla ayayna tahay markaas inuu ku soo laabto doorkiisa ka dib dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa, Xhaka ayaana kula tartami doona Aaron Ramsey, Jack Wilshere iyo Francis Coquelin booska kale ee burburiyaha khadka dhexe.

Cazorla iyo Coquelin markii ay iska garab ciyaarayeen qeybtii hore ee xilli ciyaareedka waxa ay aheyd mid natiijo keentay, waxaa xitaa macquul ah inuu Wenger ninka reer France uu ka garab ciyaarsiiyo Xhaka kulamada ugu adag.

Wax walba uu noqdo doorkiisa, taakaladiisa adag iyo tayadiisa hogaamineed ayaa ka dhigi doonta xiddig qiimo leh oo wax ku soo kordhin kara Arsenal, haddii uu maareyn karo cadaadiska la socda qiimaha laga soo bixinayo ee kor u dhaafaya 30 milyan euro.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News