Haqabtirenews.com
RASMI: Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Dhameystirka Saxiixa Granit Xhaka – Saxiixoodii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.
May 25, 2016 - Written by Sports Staff
">

Arsenal ayaa si rasmi ah u la soo wareegtay xiddiga burburiyaha khadka dhexe Granit Xhaka kaasoo heshiis 30 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach, isagoo qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah.

23 jirkaan reer Sweden ayaa ka soo wareegay Bundesliga, isagoo kabtan u ahaa xilli ciyaareedkii dhamaaday oo uu u soo saaray Champions League.

Xhaka, oo 41 kulan u saftay xulka Switzerland ayaa Borussia Monchengladbach kaga soo biiray kooxda dalkiisa ee FC Basel halkaasoo uu 10 sannadood ku qaatay isagoo ka soo baxay akadeemigooda.

gun__1464014470_xhakamain2

Xhaka ayaa dhameystiray tijaabadiisa caafimaadka maalmo ka hor, waxaana uu kooxdiisa cusub kula soo biiri doonaa isku diyaarintooda xilli ciyaareedka cusub ka dib ciyaaraha Euro 2016.

Arsène Wenger ayaa yiri: “Granit Xhaka waa ciyaaryahan da’ yar oo xiiso leh, waxaana uu durbaba qibrad u leeyahay Champions League iyo Bundesliga.

“Waxaan daawanayay Xhaka muddo dheer, waana ciyaaryahan tayo ku soo kordhinaya kooxdeena. Waxaan u rajeyneynaa inuu tartan fiican la qaato Switzerland ciyaaraha Euro 2016, waxaana indhaha ku heynaa inaan ku soo dhaweyno Arsenal ka hor xilli ciyaareedka cusub” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xhaka waa saxiixii seddexaad ee ugu weynaa ee ay Arsenal sameyso ka dib Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez waxaana uu yiri:

“Sharaf ayay ii tahay inaan ku biiro Arsenal. Waan sugi weysanahay inaan u guuro London, inaan xirto maaliyada koox qaas ah, inaan ka ciyaaro Premier League. Wax walba ayaan u huri doonaa sidii aan Arsenal uga caawin lahaa inay ku guuleystaan koobab oo aan jamaahiirta Arsenal uga dhigi lahaa kuwa faraxsan.”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News