Haqabtirenews.com
Mourinho Oo Kooxdiisa Hore Ee Chelsea Kula Dagaalamaya John Stones Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Fiidkii Ka Soo Baxa Ingariiska.
May 25, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xanta suuqa kala iibsiga ma joogsato marnaba iyadoo lagu dhawaanayo in bisha soo socota uu furmo suuqa kala iibsiga Ingariiska, hadaba shabakada laacib.net ayaa isha soo marisay wargeysyada fiidkii ka soo baxa dalka Ingariiska, waxaana idiin soo uruurinay wararkii ugu waa weynaa ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

LONDON EVENING STANDARD 

Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu Chelsea ku garaaco saxiixa dafaaca aadka loo doonayo ee kooxda Everton John Stones si uu u keeno kooxdiisa cusub ee Manchester United.

Tottenham ayaa qorsheyneysa inay garoonka Wembley ku ciyaarto muddo dheer haddii dhismaha garoonkooda cusub uu waqtiga ku dheeraado.

Chelsea ayaa diidan inay bixiso 65 milyan ginni oo ay Everton ku dooneyso weeraryahankii hore ee Blues Romelu Lukaku.

 

MANCHESTER EVENING NEWS 

Mourinho ayaa doonaya inuu la soo wareego ugu yaraan afar ciyaaryahan inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya ee kooxda.

David de Gea ayaa ku faraxsan inuu sii joogo Manchester United oo uu ka hoos ciyaaro Jose Mourinho xilli ciyaareedka danbe inkastoo walaac laga qabo mustaqbalka Juan Mata.

Brian Kidd kama tagi doono Manchester City xagaagan haddi ay kooxda Sky Blues ku adkeysato sidaas. Manchester United ayaa dooneysa inuu dib ugu soo biiro kooxda islamarkaana uu door muhim ah ka qaato kooxda Mourinho.

LIVERPOOL ECHO 

Mario Gotze waxa uu gaaray go’aan sax ah inuusan u wareegin Liverpool sida uu sheegay halyeeyga Bayern Munich Lothar Matthaus.

Tababarihii hore ee Ajax Frank de Boer ayaa diyaar u ah inuu buuxiyo booskii uu Roberto Mancini ka tagay ee Everton sida uu sheegay walaalkiisa Ronald.

THE SENTINEL 

Kooda Stoke City ayaa ka fiirsaneysa suurtogalnimada ay qandaraaska ugu kordhiyaan kabtankooda Ryan Shawcross.

THE DAILY ECHO 

Maarten Stekelenburg ayaa weli mustaqbal ku leh Southampton iyadoo Fulham ay dooneyso inay iska iibiso goolhayaha reer Holland.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News