Haqabtirenews.com
Douglas: Sideed Kulan Ayuu Saftay, Wuxuuna Barcelona La Qaaday Todobo Koob.
May 25, 2016 - Written by Sports Staff
">

Daafaca reer Brazil ee Barcelona Douglas ayaa dhameystay xilli ciyaareedkiisii labaad ee kooxda isagoo labo koob kale ku darsaday koobabkii uu kooxda la qaaday. Xiddigaan ayaa ku guuleystay koobab badan inkastoo kulamo aad u yar u ciyaaray Barcelona.

Douglas ayaa haatan ku guuleystay todobo koob intii uu ka mid ahaa kooxda koowaad. Dhaawacyo iyo shaki laga qabay awoodiisa difaacasho ayaa keentay inusuan inta badan ku jirin shaxda kooxda, badanaana uma uusan ciyaarin kooxda Luis Enrique.

Waxa uu kulamo yar ka saftay Copa del Rey, waxa uu sidoo kale si dhif iyo naadir ah uga dhex muuqday La Liga, laakiin marnaba ma uusan ciyaarin Champions League.

douglas-ignasi-1464176617378

Marka la isku soo duubo, Douglas waxa uu ku guuleystay koob 54 daqiiqo kasta uu u ciyaaray Barcelona.

Xilli ciyaareedkii 2014-2015

Liga La Liga: wuxuu ciyaaray 100 daqiiqadood

Copa del Rey: wuxuu ciyaaray 163 daqiiqadood

Wadar ahaan: 263 daqiiqadood ayuu ciyaaray xilli ciyaareedkaas.

SEASON 2015/2016

La Liga: 12 daqiiqo ayuu ciyaaray xilli ciyaareedkan kulankii Rayo Vallecano ee Camp Nou.

Copa del Rey: 105 daqiiqadood ayuu ciyaaray.

Wadar ahaan: 117 daqiiqadood ayuu ciyaaray.

WUXUU BARCELONA LA QAADAY:

  • La Liga: 2014–15, 2015–16
  • Copa del Rey: 2014–15, 2015–16
  • UEFA Champions League: 2014–15
  • UEFA Super Cup: 2015
  • FIFA Club World Cup: 2015
  • Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News