Haqabtirenews.com
Cristiano Ronaldo Oo Tababarka Ku Soo Laabtay Maanta Ka Dib Jugtii Shalayto Soo Gaartay.
May 25, 2016 - Written by Sports Staff
">

Ka dib jugtii soo gaartay tababarkii shalayto markii ay isku dhaceen Kiko Casilla, Cristiano Ronaldo ayaa awood u yeeshay inuu tababar la qaato kooxda inteeda kale maanta isagoo aan wax dhibaato ah qabin, kaliya seddex maalmood ka hor finalka Champions League ee magaalada Milan ka dhacaya.

“Kaliya waxa ay aheyd jug iga soo gaartay bowdada, waan fiicnaan doonaa berri ama maalinta ku xigta. Sabtidana waxaan ku soo laaban doonaa heerkeygii iigu fiicnaa” ayuu xiddiga reer Portugal shalayto u sheegay suxufiyiintii ka soo qeybgalay tababarkii shalayto.

1464175831_576362_1464175937_noticia_normal

Kaliya 24 saacadood ka dib, Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabtay tababarka, waxaana uu u muuqdaa mid ku soo bilaabanaya kulanka sabtida.

Cristiano ayaa ka wada qeyb qaatay tababarkii maanta. Waxa uu ka qeyb qaatay leylintii kontaroolka kubada, baasaska iyo kubad ceyrinta laakiin waa uu yara nastay markii ay sameynayeen ciyaar leylin ah oo uu Zidane agaasimay dhamaadkii tababarka, waxaa ka qeyb qaatay afar xiddig oo da’ yar Llorente, Mayoral, Ødegaard iyo goolhaye Carlos Abad.

Labada ciyaaryahan ee kaliya ka maqnaa tababarkii maanta waa Raphael Varane iyo Alvaro Arbeloa.

 Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News