Haqabtirenews.com
Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xarun Ciidan Oo Ay Degen Yihiin Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaliya
May 25, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xarun Ciidan Oo Ay Degen Yihiin Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaliya

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaaden Xarun ciidan oo ay ku sugnaayen Milliteriga Dowlada.

Dagaalka ka dhashay weerarkaasi ayaa la soo sheegayaa inuu qaatay ku dhawaad Seddex saac oo xiriir ah, kaasi oo galaaftay maleeshiyaad iyo ciidamo ka tirsanaa Dowlada.

Dagaalka ayaa waxaa maleeshiyada Al-shabaab uga dhintay Ilaa 4 dagaalyahaan, sidoo kalane looga dhaawacay 2 kale.

Dhinaca Ciidamada dowladda ee weerarka lagu qaaday waxaa la soo warinayaa in 4 Askari ay weerarkaas kaga dhinteen, halka sidoo kale laga dhaawacay 1 kale.

Weerarkaani ayaa dhacay xili ay ciidamada Dowladu ahaayen kuwo is dhigtay oo aan u diyaarsaneyn difaaca dagaalka.

Maamulka Gedo kama aysan hadal wali weerarkaasi lagu ekeeyay Xarunta.

COMMENTS
Latest News