Haqabtirenews.com
RASMI: Manchester United Oo Ku Dhawaaqday In Ay Shaqadii Ka Caydhisay Louis Van Gaal, Tababare Van Gaal Oo Isna War Saxaafadeed Soo Saaray Iyo Taariikhdiisa Waayihiisa Tababaranimo Oo Kooban.
May 24, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Louis Van Gaal uu kooxda ka baxay isla markaana ay shaacin doonaan go’aanka tababaraha shaqada Old Trafford ka badali doona ninka ree Holland ee shaqada Red Devils laga cadhiyay.

Gudoomiye ku xigeenka Manchester United ee Ed Woodward ayaa Louis Van Gaal uga mahad celiyay waxa uu ku tilaamay shaqadii cajiibka ahayd ee uu ka so qabtay kooxda labadii sano ee uu maamulyay, wuxuuna si gaar ah ugu amaanay in Red Devils u horseeday ku guulaysiga koobkoodii 12 aad ee FA Cupka.

Van Gaal with Wayne Rooney after the FA Cup win at Wembley

Hadalka Woodward ayaa lagu daabacay websiteka rasmiga ah ee kooxda iyada oo sidoo kale la soo dhigay barta twitterka wuxuuna yidhi: “Waxaan jecelahay in Louis iyo shaqaalihiisii uga mahad celiyo shaqadii cajiibka ahayd ee ay qabteen labadii sano  iyo ku gulaysiga barbaraynta rekoodhka koobkii 12 aad ee FA Cupka ee kooxda isaga oo afar wadan oo kala duwan koobab kala soo guulaystay.”

Ed Woodward reckons LVG has left Old Trafford 'a legacy'

Woodward oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: ” Louis waxa uu ku dhaqmay xirfadlanimo fiican iyo sharaf waqtigiisii halkan uu joogay, sharci ayuu anaga nagaga baxay isaga oo ciyaartoy da’yar ah oo dhawr ah siiyay halsooni ay ku muujiyeen awoodada heerka ugu saraysa. Go’aanka tababaraha ku xiga hore ayaa logu dhawaaqi doonaa”.Van Gaal

Dhinaca kale macalinka shaqada laga caydhiyay ee Louis Van Gaal ayaa soo saaray war saxaafadeed dheer oo uu kaga hadlay bixitaankiisa Manchester United isaga oo sharaf wayn ku tilmaamay in uu ka soo shaqeeyay kooxda uu hadda ka baxay ee Red Devils.

Van gaal ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Sharaf ayay ii ahayd in aan soo maamulay koox kubbada cagta ah oo  sida Manceher United u wayn, in aan sidaa sameeyay waxaan fuliyay hamigaygii dheeraa. Waxaan si wayn ugu han waynahay in aan Manchester United ka caawiyay ku guulaysiga koobkoodii 12 aad ee FA Cupka ee taariikhda kooxda. Waxaa ii sharaf ah in aan 20 koob ku soo guulaystay waayahaygii tababaranimo, laakiin ku guulaysiga FA Cupka kaas oo taariikh aad u badan leh ayaa noqon doona waxa ugu khaasan ee waayahayga tababaranimo”.

Van Gaal oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi: “Anigu aad ayaan uga niyadjabsanahay in aanu awoodi waynay dhamaystirka saaddexdii sano ee qorshaysnaa, waxaan aaminsanahay in aas aasku uu si adag meel u yaal si kooxda loo awoodsiiyo in ay hore u socoto iyo in ay xaataa gaadho guulo waa wayn”.

Goalkeeper coach Frans Hoek (far left) and Albert Stuivenberg (far right) have left the club along with Van Gaal, while Ryan Giggs (second left) could stay at the club

Louis Van Gaal ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan filayaa in ku guulaysiga FA Cupku ay kooxda siin doonto gundhig ay ku duldhismaan xili ciyaareedka danbe si loo soo celiyo guusha ee ay leeyihiin jamaahiirtan dulqaadka leh ee rabitaanka lihi. Kadib markii aan soo maamulay Holland, Spain iyo Germany, waxaan markasta rajayn jiray fursada aan ku maamulo kubbad cagta England iyo in aan qayb ka noqodo dhaqanka England, waxayna labadani keentay waxyaabo la rajeeyo oo fantastik ah”.

WAAYIHII TABABARANIMO EE LOUIS VAN GAAL, KOOBABKII UU KU SOO GUULAYSTAY IYO KOOXIHII UU SOO TABABARAY:

Koobabkii Uu Kula Soo Guulasytay  Kooxda Ajax

Horyaalka Holland ee Eredivisie: 1993–94, 1994–95, 1995–96

Dutch Cup: 1992–93

Johan Cruyff Shield: 1993, 1994, 1995

UEFA Champions League: 1994–95

UEFA Cup: 1991–92

UEFA Super Cup: 1995

Intercontinental Cup: 1995

Koobabkii Uu Kula Soo Guulaystay Kooxda Barcelona:

Horyaalka Spain Ee La Liga: 1997–98, 1998–99

Copa del Rey: 1997–98

UEFA Super Cup: 1997

Koobkii Uu Kula Soo Guulaystay Kooxda AZ Alkmaar

Eredivisie: 2008–09

Koobabkii Uu Kula Soo Guulasytay Kooxda Bayern Munich:

Horyaalka Germany Ee Bundesliga: 2009–10

German Cup: 2009–10

German Super Cup: 2010

Koobkii Uu kula Guulaystay Kooxda Manchester United

FA Cup: 2015–16

Louis van Gaal is set to be replaced as Manchester United manager by Jose Mourinho

 Louis Van Gaal ayaa waqti adkaa ku soo qaatay Manchester United balse waxa uu awooday in uu ugu danbayn kooxda u qaado FA Cupka ka maalmo yar ka hor inta aan shaqada laga joojin. Manchester United ayaa la filayaa in ay Jose Mourinho u magacaabi doonto booska uu baneeyay Van Gaal , waxaana la fahansan yahay in kaliya ay ka hadhsan tahay dhamaystirka iyo ku dhawaaqista heshiiska Mourinho.

 

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News