Haqabtirenews.com
Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Jugtii Maanta Ku Soo Gaartay Tababarka & Haddii Uu Taam U Noqonayo Finalka Champions League.
May 24, 2016 - Written by Sports Staff
">

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu taam u noqon doono kulanka finalka Champions League inkastoo uu ka baxay tababarkii saaka ee kooxda.

Xiddiga Real Madrid ayaa waxa ay isku dhaceen goolhaye Kiko Casilla xilli ay tababar u furan saxaafada ku qaadanayeen Valdebebas, ka dib markii ay qiimeeyeen xaaladiisa shaqaalaha caafimaadka waxa uu u baxay dhanka qolka labiska.

Waxa ay taasi la micno tahay in Ronaldo uu haatan ku guuldareystay inuu dhameysto seddexdii tababar ee ugu danbeysay iyo sidoo kale la bedelay kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka ee Real Madrid.

Real-Madrid1

Laakiin 31 jirkaan ayaa qalbiga u dejiyay jamaahiirta Real Madrid isagoo sheegay inaysan jirin wax laga walwalo waxaana uu xusay inuu taam u noqon doono kulanka Atletico Madrid ee habeenka sabtida ee Milan: “Jug yar ayaa i soo gaartay… laakiin labo maalmood gudahood waan ku fiicnaan doonaa. Sabtida diyaar ayaan ahay.

“Dhibaato yar ayaa i soo gaartay, laakiin madaama aan ahaa ciyaaryahanka ciyaaray inta badan xilli ciyaareedkan waa wax iska caadi ah.

“Waxaan u maleynayaa in xilli ciyaareedkan u ahaa xilli ciyaareedkii aan daqiiqaha ugu badan ciyaaray”

Qorre: maxamed jeesto

 

COMMENTS
Latest News