Haqabtirenews.com
WARARKII UGU DAMBEEYA OLDTRAFFORD: Jose Mourinho & saraakiisha Manchester United oo wada fadhiya,heshiisku waa sadex sano oo ku kacaya £ 60 million, lakiin sharuudahaan ayaa horyaala.
May 23, 2016 - Written by Sports Staff
">

Jose Mourinho ayaa lagu wadaa inuu wadahadalo deg deg ah la qaato Manchester United taladada , sida ay sheegayaan wararka.

Louis van Gaal ayaa waxaa la qaaday xilkiisa tababarnimo ee Old Trafford maanta, inkastoo kooxda uu u qaaday FA Cupsabtidii lasoo dhaafay.

Mourinho ayaa qarka u saaran inuu bedelo ninka reer Holland iyadoo wakiiladiisa lagu wado in ay la kulmaan madaxda Red Devils si ay sharuudo iskula meel dhigaan.

Manchester United executive vice-chairman, Ed Woodward, at the FA Cup final

Macalinkii hore ee Chelsea ayaa United ay u badan tahay in lacag dhan £ 60 milyan uu ka qaato isagoo muddo saddex sano ah u saxiixi doona,qiimahaas oo xitaa ka sareyn doona kan macalinka cusub ee Manchester City Pep Guardiola.

Tababarihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa lagu dhawaaqay inuu bedelay Manuel Pellegrini isagoo ka qadan doona Etihad Stadium, lacag dhan £ 15m.

Mourinho waxa uu kamdi ahaa raggii ugu cadcadaa shaqada United  in ay ka bedelaan Sir Alex Ferguson 2013, markaso uu kasoo tagay Real Madrid.

Jose Mourinho's representatives will meet with the Manchester United hierarchy tomorrow to thrash out a deal

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News