Haqabtirenews.com
QIRASHO:- Messi oo ka hadlay dhibaatada ay kala kulmeen Sevilla,Calaamadaha garoonka laga bixiyay iyo Caawinta uu sameeyay.
May 23, 2016 - Written by Sports Staff
">

Naadiga Blaugrana ayaa ku dhibtootay ciyaar adag oo Finalka Copa del Rey ay la yeelatay Sevilla waxaana qirtay in ciyaar dhib badan ay aheyd laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or Leo Messi oo bartiisa bulshada soo dhigay.

Lionel Messi ayaa qiray in Barcelona ay u dagaalantay inay markeedii labaad difaacato koobkaan.

Macalin Luis Enrique iyo kooxdiisa ayaa Copa del Rey 2-0 kaga fara xayuubiyay Sevilla xalay sidoo kale waxay ku guuleysteen horyaalka Spain.

Barca ayaa laga saaray Javier Mascherano qeybta hore ee ciyaartii ka dhcday Vicente Calderon laakiin goolasha Jordi Alba iyo Neymar – oo uu saaciday Messi – ayaa waqtigii dheeriga ciyaarta siisay guul halka dhigooda Ever Banega iyo Daniel Carrico laga saaray Sevilla.

“Waxaan u dagaalanay si adag, Waan ku dhibtoonay, Laakiin dhamaadkii waan wada guuleysanay. Waxaan nahay horyaaliinta hadana koobka xiga ayaan qaadnay!!” ayuu ku soo qoray bogiisa Facebook.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News