Haqabtirenews.com
Kooxda Talibanka Oo Beenisay In La Dilay Hoggaamiyahoodii Mullah Akhtar Mansoor.
May 23, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Dowladaha Maraykanka iyo Afghanistan ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay hogaamiyihii kooxda Talibanka ee Mullah Akhtar Mansoor.

Waxaa sidoo kale geerida hogaamiyahan xaqiijiyey xubno kamid ah kooxda Talibanka.

Balse Afhayeenka kooxdaasi Talibanka ayaa beeniyey in hogaamiyahooda lagu dilay weerarkaasi.

Maaha markii ugu horeysay oo ay soo baxaan warar sheegaya in la khaarajiyey hogaamiyaha Talibanka.

Bishii December ee sanadkii tagay ayey dowlada Afghanistaan sheegtay in hogaamiyahaasi lagu dilay iska horimaad. Walow markii danbe ay kooxda Talibanka shaacisay cajalad cod ah oo uu hogaamiyahaasi soo duubay isagoo beeniyey in la dilay.

John Kerry Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay hogaamiyahan lagu wargeliyey dowladaha ay xulafada yihiin ee Pakistan iyo Afghanistan. Wuxuuna sheegay in Mullah Akhtar Mansoor uu khatar weyn ku ahaan amniga gobalkaasi.

COMMENTS
Latest News