Haqabtirenews.com
Jasiiraddii Qarsooneyd Ee (SOCOTRE).
May 23, 2016 - Written by admin
">

Jasiiraddii Qarsooneyd Ee (SOCOTRE).

Waa Waajib Ruux Kasta Oo Ku Abtirsad Qowmiyadaha Soomaaliyeed Ee Deegaan ahaan Kala Degta (Jabuuti,Somaaliland, Somalia, NFD iyo Soomaalida Ethiopia ) Eebe Dushiisa Ka Weeley, In Uu DifaacoDhulweynaha Baaxada Weyn Leh Ee ay Degtoo Qowmiyada Soomaliyeed, Ha Ku Difaaco Qalin, Maal,Aqoon Iyo Wixii Kale Ee Uu Ku Difaaci Karaayaba. Taas Anigoo Amiinsan Ayaan Isku Dayii Doona In

Aynuu Wax Ka Iftiimino Jasiiradda Soomaaliyeed Ee Qorsoon Ee (SOCOTRA)Jasiiradda Soomaaliyeed Ee Qorsoon (SOCOTRA), Waa Jasiiradd ku taalaa meel u dhow Raas Fartaag eeXeebta degmada caluula (Puntland), waxa ayna dhinaca Bari ka xigtaa Gacanka Cadmeed, bedkeeduwaxa uu ku fadhiyaa in leeg 3796 km², waxaana lagu qiyaasaa inay seddex jeer ku laba laabmeyso bedkaBoqortooyada Bahrain, waxa ayna ka fogtahay Xeebta Yemen in la eg 300 km, halka Xeebta Soomaaliyaay u jirto in ka yar 100 km. Caasimada Jasiiraddan (SOCOTRE ) Waa Xudeybo, Waxaana Ku Yaalo MeeloBadan Oo Dawlada Yamani aad u dhistey Sida Garoonka Diyaarada Ee Xudar International Airport,Madaarkas Oo Ah Marinka Ugu Weyn Ee Dalxiisayaasha Jasiiraddan Hodanka ah Soo Booqanaya Usoo Maran.

Jasiiradda (SOCOTRE) Waxa Ka Sii Farcama Lix Jasiiraddod waxa kale Oo Ay Leedahay Dooxoyin biyo ah,Buuro Aad u dhaadheer Oo Qaar Ka Mid ah lagu Magacaabo (XAJAHAR) iyo Xeebo Aad U Qur-QuruxBadan , Jasiiradda Ka farcamana waxa ka mid ah.

1. Ku Caali Fircoon.

2. Cabdalla Kouri

3. Samxa

4. Darsa

5. Saabuuriyaad

6. Suqadarada wayn.

Marka laaga Imaado Jasiiradahan Yar-yar Ee Ka Sii Hoos Farcaama Jasiiraddan Weyn Ee (SOCOTRE),Waxaa La Sheega Dadka Ku Nool Jasiiraddas In Ay Tiro Ahaan u Dhexeeyan 65.000-70.000 Oo Ruux,Waxaana Inta Badan La Soo Wariya Dadka Jasiiradas ku Dhaqan in ay u Badan Yihiin, Dadyoow Soomaaliah, Oo Markii Danbe La Dhalan Gadiyeey iyo Tiro yar oo Dad Carbeed Oo Yaman u Badan ah,Luuqada Lagaaga Hadlo Degaankas Maaha Luuqad Carbeed Laakin Waa Jaajabis Luuqada Soomaaliga iyoSawaaxiliga iyo Xooga Carabi ah, In kasta Oo Imika Luuqada carabiga aad ugu soo xogeysaneyso.Dadka Jasiiradda Degani Waxay Isugu Jiraan Sida Caadiga ah, Sadexdii Qeybood Ee BulshooyinkaSoomaalidu caanka ku ahay,

a. Bulshoo Reer Guura ah, Oo Xoolo Dhaqato ah

b. Bulsho Beeraley ah, Isla Markaana Sarac aad u badan Sanad Walba Soo saara

c. Iyo Bulsho Kaluumeysato ah, Ayaado Waliba laga helo Jasiiradda Qarsoon Ee Soomaalia(SOCOTRE) Kaluunka Noocayadiisa ugu Qaalisan, Maadama Oo Ay Badweyntii India Ku dhextaalo, Dhinacna Badii Casayd Ka Soo Kaluumeysanayaan.Dhanka Kale Jasiiradda Soomaaliyeed Ee Qorsoon (SOCOTRA) Dhul ahaan Waxaay Ku Taala Marin Aad uMuhiim (Strategic) ah, Ayado Kala Qeybiisa Bada Cas iyo Badweynta India, Oo Ah Halka Ugu Badan EeDhaq-dhaqaaqyada Dunida sida xawliga ah uga Socdo, Jasiiraddan Waxaa isha ku haya DhamaanDawlaadaha Reer Galbeedka iyo Shina,Raashiya, Ayago Amiinsan In Meesha Ay ku Taalo Oo AhBadweynta India Gudaheedu Yahay Meel Aad Siyaasada iyo Ganacsiga Dunidaba Muhiim Ugu Ah (Strategic Location).

 

Siyaasad ahaan Jasiiraddan Waxaay Hoos Timaada Wakhtiigan Aynuu Joogno, Dawladda Taagta DaranEe Yaman, Taariikhyahanada iyo Dadyowga Tiraabta Taariikhda ku haaya ku sheegayan In WakhtiigiSiyaad Bare Xaalada Jasiiraddani Meel adag Mareysey, Wakhtigaas oo Ciidamada Bada Ee DawladiiSoomaalia iyo Ciidamada Bada Ee Dawlada Yaman Isku Gacan Sareen, Halkaasna Lagaga AwoodRoonadey Ciidankii Bada ee Soomaaaliyed, Sababo Wakhtigaas Jirey Oo Ay ugu horeysey Tabobar La’aanXoogan oo jirey Awadeed,Tan iyo intii Soomaaliya Dawlad La’aanta ku dhacdey 1991 Wixii Ka Danbeeyeyna Dawlada YamanWaxaa uu Suura Gashay In ay Si Dhab Ah Gacanta ugu dhigto Jasiiradda Soomaaliyeed Ee Qorsoon (SOCOTRA), Maamul ahaana u hanato, Ayado Isla Markiiba Ka Bilowdey in Dadkii Halkaas Degana lagatirtiro Wax Alaaliyo wixii cadeynayaa in Soomaali Degankan leedahay, inkasta oo aysan wali sii Toos ahugu guuleysan, Oo aad arkeysiid Dadyoow badan oo wali dhaqaankii Soomaalida sii haysta Halka AasartaQaarna aad kuba arkeysiid Arham Ay ku xardhaan yihiin Sawiro Saladiin Soomaaliyeed leeyihin iyoqeyboo ka mid ah cadooyinka Soomaalidu leedahay.

Si kasta ha ahaate, Jasiiradda Qorsoon Ee (SOCOTRA)) Waa Jasiiradd Soomaaliyeed, Laakin Si Xaqdaro ahay u haysaato Dawlada Taagta daran Ee Yamanii,Guntii iyo gaaba gabadii waxaan ku soo koobii, Laaha, Soomaali waxaa lagu yaqaaney Dhul Iyo DadJacayl, Maanta Oo 25 Sano Wax ka badan la haystoo Oo Lagu manaafacaadsanaayo Waliba Jasiiraas ooxaq ay umadda soomaaliyed u leeyihin, Waa Mucjiiso cusub oo ka mid ah Mujisooyinka Waaweyn EeUmadda Soomaaliyed haysta, Waxaan Odhaan laaha, Soomaalay fadhiga ka kaca, Wakhtiigi Hurdaduwaa Soo Dhamaadey Wakhtiigi Ayduun Dhulkiina iyo Sharaftiina Soo Ceshan Lahaydeen ayeeydunjoogtan, Intiina Awood U Leh In ay Booqdaan Jasiiradda Soomaaliyeed Ee Qorsoon (SOCOTRA) Waxaanodhaan lahaa Soo Booqda Oo Bal Xaqiida Dhabtaa Soo Ogaada, Khaasatan

1. Suxuufi Sare Maxamed Raage

2. Suxuufi Sare Cabdisalaan Hereri

3. Farshaxaamistee Aamin Caamir

4. Alfanaan Knaan Hussen

5. Iyo Dhamaan Intii Awood u leh in ay Booqato.

13249398_10209418878486680_1166359253_n 13275637_10209418878606683_95001392_n 13275843_10209418878446679_2117086343_n 13282148_10209418878646684_943666725_n 13289068_10209418878846689_1510564668_n

Xigaasho.

Qormaaddi, Suxuufi Cali Cabdi Cali, Wikipedia Iyo Documenters laaga diyaariyeey Jasiiradda (SOCOTRA).

W/Q: Abdikhadar Heis Abdi

Cabdixiis12@gmail.com

COMMENTS
Latest News