Haqabtirenews.com
TAARIIKH: Juventus Oo Taariikh Cusub Udhigtay Kooxaha Talyaaniga, Alvaro Morata Oo Noqday Halyayga Old Lady Isaga Oo Goolka Guusha Ka Dhaliyay AC Milan Iyo Kooxda Maxi Allegri Oo Xili Ciyaareedki Labaad Oo Xidhiidh Ah Difaacatay Coppa Italia & Serie A-da.
May 22, 2016 - Written by Sports Staff
">
Juventus ayaa kooxaha Talyaaniga udhigtay taariikh cusub kadib markii finalka Coppa Italia waqtiga dheeriga ah ay ku garaacday kooxda AC Milan. Alvaro Morata ayaa noqday geesiga Juventus isaga oo dhaliyay goolka kaliya ay kooxda Maxi Allegri ay taariikhda cusub kudhigtay. Juventus ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee abid laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah difaacatay koobabka Serie A iyo Coppa Italia.Juve
 Kooxda Juventus ayaa doonaysay in ay rekoodh cusub ka dhigto taariikhda koobabka maxaliga ah ee Talyaaniga isla markaana ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee abid difaacatay labada koob ee Serie A iyo Coppa Italia.Kooxda Bianconeri ayaa dhawaan ku soo guulasytay koobkeedii shanaad ee horyaalka Talyaaniga oo xidhiidh ah waxayna markale fursad u haysatay in ay sii difaacato koobka Coppa Italiya oo ay isna xili ciyaareedkii hore ay ku guulaystay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

AC Milan (4-2-3-1): Donnarumma; Calabria, Zapata, Romagnoli, De Sciglio; Montolivo, Poli; Honda, Kucka, Bonaventura; Bacca.

Kaydka: Diego Lopez, Mauri, Mexes, Menez, Luiz Adriano, Niang, Abbiati, Alex, Balotelli, Boateng, Locatelli, Bertolacci.

Juventus (3-5-2): Neto; Barzagli, Rugani, Chiellini; Lichtsteiner, Lemina, Hernanes, Pogba, Evra; Mandzukic, Dybala.

Kaydka:  Buffon, Zaza, Morata, Alex Sandro, Cuadrado, Padoin, Asamoah, Sturaro, Rubinho, Pereyra.

Qaybta hore ee kulankan ayay labada kooxood awoodi waayeen in ay wax goolal ah kala dhaliyeen inkasta oo ay sameeyeen dadaalo iyo fursad abuuris labada kooxoodba ku raadinayeen goolka furitaanka. Labada kooxoodba waxay iska lumiyeen fursado ay qaybta hore goolal kula iman kareen waxaana sidoo kale rekoodhe ku dooday Pogba inkasta oo aanu garsooruhu waxba tilmaamin. AC Milan ayaa qaybta hore iska lumisay fursado halis ahaa oo ay goolal kula iman kartay. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aa ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Juventus soo laabtay iyada oo doonaysa in ay ciyaarta isbadla ka samayso isla markaana ay sare u qaado qaab ciyaareedkeeda. Balse sidoo kale AC Milan ayaa dadaal wayn samaynaysay si ay ciyaarta uga raadiso goolka furitaanka.

DAQIIQADII 69 aad Paul Pogba ayaa ku dhawaaday in uu Juventus hogaanka udhiibo kadib markii ay darbadiisu ku sii dhacday Zapata laakiin goolhaye Donnarumma ayaa kubbada ka daba gurguurtay si uu kooxdiisa halista uga ilaaliyo. Ciyaarta ayaa noqotay mid adag oo aan la saadaalin karin.

CAJIIB: Si la mid ah finaladii FA Cupka iyo DFP Pokal ciyaarta ku dhamaystay barbaro taas oo sabab u noqotay in ay isla gaadhaan waqtiga dheeriga ah. Manchester United iyo Crystal Palace ayaa waqtiga dheeriga ah ku kala baxay, Bayern Munich iyo Dortmund ayaa iyaguna ku kala baxay rekoodhayaal, waxaana lays waydiinayay halka ay Juventus iyo Milan isla gaadhi karaan.

Markii ay labada kooxood ku kala bixi waayeen 90 kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa 30 daqiiqo oo dheeri ah loogu daray si ay ugu kala bixi karaan, waxayna markale ciyaartu ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

WAQTIGII DHEERIGA AHAA:

Ciyaarta ayaa u muuqatay in ay rekoodhayaal laysla gaadhi karo laakiin daqiiqadii 110 aad Juventus ayaa ugu danbayn heshay goolka dhibta badan loo soo maray waxaana quluubta jamaahiirta iyo kooxda AC Milan dhulka jiiday Álvaro Borja Morata kaas oo Old Lady u dhaliyay goolka waqtiga dheer la sugayay, waxaana caawinta goolkan sameeyay Jaun Cuadrado waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Juventus ugu danbayn hogaanka ciyaarta ay kula wareegtay.

Milan 0-1 Juventus (AET): Morata grabs extra-time winner to seal another double

Waxaana lays waydiinayay in 10 ka daqiiqo ee ciyaarta ka hadhsanaa ay AC Milan awoodi doonto in ay ciyaarta dib ugu soo laabto. AC Milan ayaa samaysay wax kasta oo ay ciyaarta ugu soo laaban kartay iyada oo si xoogan ilaa daqiiqadii ugu danbaysay u raadinaysay goolka barbaraha laakiin Juventus ayaa si xoogan u difaacanasyay goolka ay dirqiga ku heshay, waxayna ugu danbayn  ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Old Lady ku muquunisay AC Milan isla markaana ay taariikh cusub uga dhigtay tartamada maxaliga ah ee Talyaaniga. Juventus ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee abid labada koob ee Serie A-da iyo Coppa Italia difaacatay laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News