Haqabtirenews.com
Man United Oo Ku Guulaystay Koobka Emarites FA Cupka, Louis Van Gaal Oo Ugu Danbayn Koobkiisii Ugu Horeeyay La Qaaday Red Devils Iyo Jesse Lingard Oo Gool Cajiib Ah Waqtiga Dheeriga Dhulka Ku Dhigay Crystal Palace.
May 22, 2016 - Written by Sports Staff
">

Manchester United ayaa waqtiga dheeriga ah ee lagu daray kulankii finbalka FA Cupka guul ka gaadhay kooxda Crystal Palace, waxayna Red Devils ku guulaystay koobka FA Cupka oo ayna ku guulaysan tan iyo sanadkii 2004 kii. Louis Van Gaal ayaa koobkiisii ugu horeeyay la qaaday Man United halka ay Red Devils koobkii ugu horeeyay ku guulaystay kadib waayihii Sir Alex Ferguson.

Inkasta oo ay Crystal Palace gool ku hormartay haddana dhamaadkii waqtiga dheerigahaa Lingard ayaa noqday geesha Man United wuxuuna dhaliyay goolka ay kooxdiisu koobkan ugu guulaystay iyada oo waliba 15 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay ku ciyaaraysay 10 ciyaartay waxaana kaadhka cas loo taagay Chris Smalling.Man United

Kooxaha Manchester United iyo Crystal Palace ayaa finalka Emirates FA Cupka isaga hor yimid Wembley Stadium, waxayna labada kooxood u tartameeyeen sidii xili ciyaareedkan ugu soo gabagabaysan lahaayeen koobka FA Cupka. Louis Van Gaal ayaa doonayay in uu koobkiisii ugu horeeyay kula guulaysto Red Devils isla markaana uu koobkii ugu horeeyay u qaado Red Devils tan iyo markii uu Sir Alex ka fadhiistay maamulka kooxda.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

CRYSTAL PALACE:(4-2-3-1): Hennessey; Ward, Dann, Delaney, Souare; Jedinak, Cabaye; Zaha, McArthur, Bolasie; Wickham.

KAYDKA:Speroni, Mariappa, Gayle, Adebayor, Sako, Kelly, Puncheon.

MANCHESTER UNITED: (4-5-1): De Gea; Valencia, Smalling, Blind, Rojo; Mata, Fellaini, Carrick, Rooney, Martial; Rashford.

KAYDKA: Jones, Young, Romero, Herrera, Schneiderlin, Lingard, Darmian.Van Gaal

Manchester United ayaa markiiba ciyaarta ku bilaabtay dardar fiican iyo in ay wararo ku bilawday goolka Crystal Palace, waxayna mariiba raadinaysay goolka furitaanka, halka kooxda Crystal Palace ay ciyaarta ku bilaabtay hanaan difaacasho iyo weerar deg deg ah iskugu jira. 

Manchester United ayaa markiiba fursado fiican heshay iyada oo Rashford iyo  Fellaini laakiin fursad abuurista Manchester United ay ka maqnayd sidii u dhamaystiri lahayd oo ay goolal ula iman lahayd. Daqiiqadii 15 aad Rooney ayaa nasiibkiisa ka tijaabiyay meel goolka Palace ujirtay 35 yards laakiin goolhaye Hennsessey ayaa si aan fiicanayn kubbada iskaga badbaadiyay isaga oo marka hore ay kubbadu ka baxsatay balse markii labaad ayuu kubbad si dhamaystiran u qabsaday.

Crystal Palace ayaa ciyaarta si gaabis ah dib ugu soo laabanaysay waxayna markeeda bilawday in ay weeraro deg deg ah ku qaado goolka Manchester United iyada oo dhinaca kale ay Manchester United wali sii waday in ay tahay kooxda kubbada inta ugu badan haystay.

DAQIIQADII 18 aad garsoore Mark Clattenburg  ayaa qaatay go’aan dad badan ka cadhaysiiyay gaar ahaan jamaahiirta iyo kooxda Crystal Palace kadib markii uu Connor Wickham kubbad kala soo orday dhinaca bidix isla markaana uu soo garaacay Chris Smalling,lakiin Wickham ayaa markiiba awooday in uu kubbada sii wato wuxuuna dhaliyay gool laakiin garsooraha oo la filayay in uu faa’iidada u dayn doono Cryatal Palace isla markaana uu qalad haddii uu kadhka digniinta ah uu ku bixinayo uu dib dhigan doono ayaa goolkan waxba kama jiraan ku tilmaamay. 

Crystal Palace ayuu qaladka u dhigay wuxuuna kaadhka digniinta ah uu siiyay Smalling, balse  Mark Clattenburg ku eedeeyay go’aanka liita ee uu qaatay oo uu kooxda Crystal Palace kaga beeniyay fursad ay goolka furitaanka ku heli kartay.

DAQIIQADII 33 aad Manchester  United ayaa heshay fursad layaableh oo ay ugu dhawaatay in ay hogaanka ciyaarta la wareegto, waxanaa shaqo aan caadi ahayn oo cajiib ah dhinaca midig ka soo qabtay da’yarka Marcus Rashford kaas oo muujiyay tayadiisa ciyaareed, wuxuuna kubbad fiican soo daba mariyay difaaca Crystal Palace, waxaana kubbada goob banaan ah oo xerada ganaaxa Palace ah ku helay Marital kaas oo u muuqday in uu dhaliyay goolka furitaanka laakiin difaaca Joel Ward ayaa jilibkiisa kubbada koorne ugu saaray. Alla maxay fursad ahayd oo uu Martial goolka furitaanka ku dhawaaday!.

DAQIIQADII 36 aad Crystal Palace ayaa heshay fursad cajiib ah kadib markii uu Wilfried Zaha uu kubbada ka qaatay Daley Blind isla markaana uu soo dhex galay xerada ganaaxa Manchester United, laakiin kabtanka Red Devils ee Wayne Rooney ayaa asturay qaladkii Blind, laakiin waxaa halkan ka dhalatay dood wayn iyada oo tababaraha Crystal Palace uu rekoodhe ku dooday. Xaqiiqdii Rooney ayaan kubbada taaban, laakiin sidoo kale may kala cadayn in uu Zaha taabtay basle waxaa jirtay dood wayn oo ahayd in Rooney uu rekoodhe ku galay Zaha, balse garsooraha ayaan waxba tilmaamin.

DAQIIQADII 39 aad markale kamarada ayaa si wayn u qabtay garsoore  Mark Clattenburg kadib markii uu fursad kale oo furan uu ka lumiyay kooxda Crystal Palace isla markaana uu qaatay go’aan lama filaan ah, kadib markii uu Joel Ward uu Marco Rojo uu ku soo garaacay dhinaca midig, laakiin iyada oo Joel Ward uu dhafay Rojo isla markaana uu goolka u furan yahay ayuu Mark Clattenburng uu tilmaamay in ay qalad tahay wuxuuna markale kaadhka digniinta ah uu siiyay Rojo.

Xaqiiqdii  go’aan ee ayaa markale ka cadhaysiiyay jamaahiirta iyo kooxda Crystal Palace. Go’aamada uu Rojo iyo Smalling uu kaadhadhka digniinta ah uu ku siiyay ayaa la filayay in Clattenburg uu marka fiiran karay fursad jirtay halka uu ku mashquulay kaadhka digniinta ahaa.

Ciyaarta ayaa noqotay mid adag isla markaana ay labda kooxoodba raadinayeen goolka furitaanka, waxaana fursado fiican helay Bolasie oo Cristal Palace ah oo uu De Gea fursad hali ahayd ka badbaadiyay iyo Juan Mata oo isna laga badbaadiyay fursad uu goolka furitaanka ugu keeni gaadhay Red Devils laakiin qaybta hore ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Manchester United soo laabtay iyada oo ay ka go’antahay in ay ciyaarta wax wayn ka badasho isla markaana ay jabiso ismari waaga ciyaarta waxayna si xoogan ku raadinaysay goolkeeda furitaanka ee dhibaatada ku noqday.

DAQIIQADII 53 aad Manchester United ayaa u dhawaatay in ay u dabaal degto goolka ay raadinaysay kadib markii Rashford kubbad cidhib ah uu uga tagay  Fellaini kaas oo kubbad gantaal ah ku tuuray goolka Crystal Palace laakiin darbadiisa xooganayd ayaa ka soo booday birta goolka. Markan birta goolka ayaa diiday Red Devils.

Saddex daqiiqo kadib markeeda Crystal Palace ayaa heshay fursad ku dhashan kartay goolka furitaanka kadib markii uu Jedinak uu kubbad cajiib ah ku hor helay goolka Manchester United, laakiin waxa uu awoodi waayay in uu bartilmaameedsado goolka Red Devils waxayna darbadiisu dulmartay birta goolka.

DAQIIQADII 60 aad birta goolka ayaa Manchester United markale la ciyaartay kadib markii ay Martial markale ka beenisay fursad gool loo fishay. Marital ayaa kubbada si fiican madaxa ugu darbeeyay wuxuuna si fiican u garaacay goolhaye Hennessey laakiin BIRTA ayaa markii labaad Manchester United muncaarid ku noqotay!.

Manchester United ayay soo gaadheen laba dhaawac waxaana ciyaarta sii wadan kari waayay Marcos Rojo iyo Marcus Rashford, waxaana lagu soo kala badalay Darmian iyo Ashley Young sida ay ukala horeeyaan. Rashford ayaa qaab ciyaareed aad u fiican soo badhigay basle waxa uu awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato waxaana la saaray daqiiqadii 72 aad.

Manchester United ayaa sii waday in ay go’doomiso Crystal Palace isla markaana ay ku qasabto in ay difaaca inta ugu badan ku jirto, laakiin Crstal Palace ayaa muujisay adkaysi waxayna marka ay kubbad hesho ay weeraro ay halis wayn ugu abuuraysay goolka Manchester United.

WAQTIGII CIYAARTA: DAQIIQADII 78 aad Crystal Palace ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee ay ku gilgishay Wembley Stadium kadib markii uu Jason Puncheon uu kooxdiisa u dhaliyay gool cajiib ah isaga oo wax badbaadin ah u diiday David De Gea wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Crystal Palace hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

JAWAABTII UNITED: Daqiiqadii 83 aad Manchester United ayaa isla markiiba bixisay jawaabtii ugu fiicnayd si ciyaarta dib ugu soo laabato waxaana Red Devils goolka barbaraha u keenay Juan Mata, laakiin aan xusno shaqadii cajiibka ahayd ee uu Wayne Rooney soo qabtay ka hor goolka Mata, wuxuuna si cajiib ah soo maray tiro dhan oo ciyaartoyda Crystal Palace ah, waxaana kubbada si fiican u dhamaystiray waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Waxay ciyaartu noqotay mid aan la sadaalin karin basle Manchester United ayaa markii ay goolka barbaraha la timid ayaa sii laba jibaartay  dadaalkeeda halkaCrystal Palace ay heshay kalsooni buuxda oo ay Mancehster United kula qaybsanaysay ciyaarta.

Dhamaadkii ciyaarta xidigii hore ee Manchester United ee Zaha ayaa soo badhigayay qaab ciyaareed cajiib ah wuxuuna dhibato wayn ku abuurayay Manchester United isaga oo darboohin fiican ku tuurayay goolka Red Devils. Sidoo kale Rooney ayaa shaqo adag ka hayay khadka dhexe. Si kastaba waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta iyo waliba shan daqiiqo oo dheeri ahayd ayay ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1:1 ah waxaana ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah.

WAQTIGII DHEERIGA AHAAA EE CIYAARTA:

Crystal palace ayaa bilawgii waqtiga dheeriga ahaa heshay fursad ay hogaanka markale kula wareegi gaadhay kadib markii uu Zaha la soo baxsaday kubbad laakiin Blind ayaa naftiisa halis ugaliyay in uu rekoodhe galo laakiin waxa uu ku guulaystay in uu kooxdiisa gool cadaan ah uu ka badbaadiyo.

DAQIIQADII 8 aad ee Lirgard iyo Fellaini ayaa si fiican iskugu xidhmay laakiin darbada Fellaini ayuu difaacu iska daboolay halka markale Lingard uu darbo ku dhuftay difaaca Crystal palace kubbada ayaana koorne u baxday.

DAQIIQADII 12 aad Crystal Palace ayaa heshay fursad aad u halis badnayd kadib markii uu Bolasie uu darbo fiican ku bartilmaameedsaday goolka Manchester United laakiin goolhaye David De Gea ayaa sameeyay badbaadin uu kooxdiisa halistan kaga badbaadiyay isaga oo kubbada koore u saaray.

DAQIIQADII 16 aad ee dhaamadka qaybtii hore ee watiga dheeriga ahaa Chris Smalling ayaa natiisa iyo kooxdiisa dhigay goob halis ah kadib markii uu qaab aan la rumaysan karin uu qalad ugu galay Bolasie oo kubbad dhaafsaday, wuxuuna qabtay lugta isaga oo qaabta Rugby-da u ciyaaray , wuxuuna garsooraha u diiday wax kala doorasho ah waxaana la siiyay kaadhka labaad ee digniinta ah waxaana loo raaciyay kaadka cas. Manchester United ayaa 15 kii daqiiqo ee ugu danbaysay waqtiga dheeriga ahaa ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.

DAQIIQADII 17 aad David De Gea ayaa sameeyay badbaadin CAJIIB AH si uu kooxdiisa uga badbaadiyo gool u muuqday in ay Crystal Palace heshay waxaana shaqo aan la rumaysan karin soo qabtay Zaha oo kubbad dilaa ah u bixiyay Bolasie laakiin De Gea ayaa lugta iskaga saaray halista. Alla maxay fursad gool loo fishay ahayd.

DAQIIQADII 20 aad Manchester United ayaa ku dhawaatay in ay goolkeeda labaad kadib markii uu Lingard kubbad fiican madaxa u saaray Carrick laakiin darbada Carrick ayaa birta goolka wax yar u martay, waxayna Manchester United bilawday in ay dardar cusub la soo baxdo.

DAQIIQADII 21 aad Manchester United ayaa heshay goolkeeda labaad waxaana indhaha gool LAYAABLEH ku xaday Jesse Lingard  kaas oo gool qurux badan kooxdiisa hogaanka ugu dhiibay isla markaana waxa uu kooxda Louis Van Gaal ka caawiyay in ay markooda hogaanka qabtaan wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Red Devils hogaanka ku qabtay, waxaana shaqo wayn dhinaca midig ka soo qabtay Valencia oo laba difaac soo kala dhantaalay.

Crystal Palace ayaa markeeda bilawday in ay si adag uga shaqayso in ay ciyaarta dib ugu soo laabto, laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay Manchester United ku garaacday kooxda Crystal Palace oo soo badhigtay ruux iyo adkaysi badan waxayna ugu danbayn Manchester United ay ka baxday abaartii koob la’aanta ahayd ee kadib casrigii Sir Alex Ferguson.

Qorre: maxamed jeesto

 

COMMENTS
Latest News