Haqabtirenews.com
Imaraadka Carabta Oo Cisbitaal Casriya Ka Dhisaaya Magaaladda Muqdisho, Iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dhagax Dhigay.+SAWIRRO
May 22, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa Cisbitaal weyn oo casriya ka dhisaysa dalka Soomaaliya caasimadiisa Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaadhinayo Cisbitaalka Sheikh Zayed ee magaalada Muqdisho.

imageimageimage

Mashruucan oo uu Madaxweye Xasan Sheekh dhagax  dhigay ayaa waxaa maalgelintiisa iyo hirgelintiisaba ku deeqay Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Dowladda Imaaraadka Carabata doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.

imageimageimageimage

“Walaalaheena Imaaraadka Carabta waxay mar kale inoo muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ina garab istaagaan. Mashruucan waa mid waxtar u yeelan doona shacabka Soomaaliyeed’’, ayuu yidhi Madaxweynaha.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa kale oo ka soo qeybgaley Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al-Othman.

COMMENTS
Latest News