Haqabtirenews.com
Dawladda Yemen Oo Ogolaatay Inay Dib ugu Laabato Wadahadaladi Kuwait.
May 22, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Dawlada Yemen ayaa aqbashay inay dib ugu laabato wadahadalo ka socday dalka Kuwait kadib markii diblumaasiyiinta dalka Qadar ay ka dhaadhiciyeen Madaxweyne Mansur Hadi inuu ku laabto shirka. Wasiirka arrimaha dibada Yemen Abdul-Malik al-Mekhlafi ayaa sheegay maanta in dowladiisu ay fursadii u dambeysay siin doonto wadahadalada kadib markii ay ballanqaad ka heshay wadamada gobolka iyo beesha caalamka.

Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayaa wafdigii dowlada Yemen ugaga qeybgalayay wadahadalada waxa ay isaga soo baxeen shirka iyagoo ku adkeystay in lagu xadgudbay qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa waxa uu ka dalbayaa mucaaradka inay ciidamadooda kala baxaan magaalada Sanca iyo dhammaan dhulka ay ka qabsadeend dowlada ayna sii daayaan maxaabiista ay hayaan kuna wareejiyaan dhammaan xarumaha dowlada maamulka madaxweyne Hadi.

Go’aanka ay dowlada Yemen dib ugugu laabanayso wadahadalada Kuwait ka socda ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Hadi uu kula kulmay magaalada Doxa Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, wasiirka Arrimaha dibada Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayay dowlada Yemen iyo kooxda mucaaradka Xuutiyiinta waxa ay oggolaadeen inay sii daayaan kalabar maxaabiista dagaalka ee ay hayaan taasi oo ah mirihii ugu horeeyay ee ka dhashay wadahadalo bilowday bishii April 21keedii.

Wadahadalada ayaa waxaa marar badan dib u dhigayay eedeymo uu midba midka kale ku eedeynayay in uu ku xadgudbtay xabadjoojin lagu heshiiiyay.

COMMENTS
Latest News