Haqabtirenews.com
Daawo Qaar Ka Mid Ah Dadkii Diyaaradii Masaaridu Lahayd Ku Dhintay Oo La Soo Bandhigay Sawirradooda.
May 21, 2016 - Written by admin
">

Dowlada Masar ayaa sheegtay in Ciidamada Badda Masar ay heleen calaamado muujin kara burburka Diyaarada EgyptAir wali la la’ yahay.

Dowladu waxa ay sheegtay in gudiyo ay u xilsaartay raaditaanka burburka diyaaradaasi oo wali aan laga heyn xaqiiqo kufilan Dowlada iyo shacab weynaha dalka Masar.

Dowladu waxa ay sheegtay in waxyaabaha ay heleen Ciidanka ay yihiin qashinka diyaarada iyo waxyaabo loo maleynayo iney leeyihiin dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa.

Burburka diyaarada ayaa laga helay meel u jirta magaalada Alexandria ee dalka Masar 180 Mile.

Kooxaha baaraya burburka diyaarada ayaa weli sii wada baaritaankooda iyagoo haatan xoogga saaraya sidii ay ku heli lahaayeen sanduuqa codka duuba ee diyaarada saarnaa.

Diyaaradaani oo siday ku dhawaad 66 ruux, ayaa ka kacday maalinimadii shalay magaalada Paris iyada oo kusii jeeday magaalada Qahir, waxaana ku dhintay dhamaan howlwadeenadii diyaarada iyo rakaabkii saarnaa.

Masar waxa ay sheegtay in qaar kamid ah Meydadka Diyaarada la helay balse ma aysan sheegin tirada iyo waxa ay kala yihiin kuwaasi oo ay soo caarisay Badda Mediterranean.

Diyaarado iyo Maraakiib nooca dheereeye ah ayaa ku howlan helida xaqiiqooyin ku filan Dowlada iyo Shacabka Masar, kuwaasi oo gaaf wareegaaya meelaha loo badinaayo in diyaarada ay kaga dhacday Biyaha Bada.

Xafiiska Wararka BooramaOnline

Qaahira-Masar

kabtan1kabtan2kabtan3kabtan4kabtan5kabtan6kabtan7kabtan8

COMMENTS
Latest News