Haqabtirenews.com
Xildhibaan Nac Nac Oo Ka Mida Golaha Barlamaanka Oo Booqday Wadada Isku Xidhaysa Baligubadle Iyo Hargaysa+Sawiro
May 20, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

  Waxaaa gabo gabo ku dhaw jidka xidhiidhiya wadada Baligubadle  halka ay kaga soo dhacado  wadada magaalada Hargeysa waxaana jidkan gacanta ku haya isla markaana dhiseysa dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa oo kaashaneysa dadweynaha  xaafadaas

Xidlhibaan Axmed Diiriye Nac Nac oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu  dhexda u xidhay isla markaana uu  dadaal xoog ah galiyey sidii ay wadadaasi ugu xidhmi laheyd wadada kale ee Baligubadle oo ay masaafo ahaan u jirto 2 KM waxaana hada la dhameystir ku dhaw 1 KM oo wadaadaas Ah

Qaar ka mid ah warbaahinta Somalialnd oo maanta halkaasi boqasho ku tagtey ayaa waxaa ay indheedu qabteen xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac oo halkaasi ku sugan isla  markaana dhagaxan dhig dhigaya wadada ay dhismuhu ka socoto .
Xildhibaanka oo aanu wareysi la yeelaney waxaa uu sheegay in maalin kasta uu yimaado laba jeer oo wakhtigiisa ka mid ah si uu uga ilaaliyo in ay baaburtu inta ay dhagax iska guraan in ay maraan wadada oo aan  wali la dhameyn waxaana uu bulshada  ku dhaqan halkaasi  ugu baaqey in ay wadada ilaashadan  cida loo dhisayaana ay iyaga tahay waxaana uu yidhi
“Bulshada waxaan ugu baaqaya in ay wadadan ilaashadan oo cida loo dhisaya waa iyaga uun cid kale ma aha maalin kasta halkan waxaan yimadaa laba jeer waxaana aan ka ilaaliya in ay baabuurtu  marto inta ay dhagaxaanta iska gurto .

Waxaan halkan uga mahad naqayaa dawlada hoose ee Hargeysa iyo dhalinyarta xaaafada oo dadaal xoogan galiyey sidaa wadadan oo xidhiidhisa wada Baligubadle iyo Hargeysa loo dhameyn lahaa ” ayuu yidhi xildhibaan Nac Nac.

 

COMMENTS
Latest News