Haqabtirenews.com
Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Oo Dhaliilay Guddiga Doorashada.
May 20, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya , Raila Odinga, ayaa BBC-da u sheegay inaysan dalka ka dhici doonin doorasho sanadka dambe hadii aan la badalin xubnaha hadda ka tirsan guddiga doorashada.

 

Ra’iisul wasaarihii hore, ayaa sheegay in madaxda sare ay eexdeen, ayna tahay inay iscasilaan. Waa ay beeniyeen eedeyntaas. Mr. Odinga, ayaa diiday inuu sharaxo waxa dhici doona hadii aan la badalin.

Mucaaradka, ayaa dibadbaxyo badan dhigay toddobaadyadii dhawaa oo qaarkood ay rabashado noqdeen.

Guddiga xuquuqda aadanaha Kenya, ayaa ku eedeeyay booliska in isniintii ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah oo ay ku kala eryeen dibadbaxayaasha

COMMENTS
Latest News