Haqabtirenews.com
Ciidamada Policeka Qaranka Somaliland Oo Hawlgalo Ay Sameeyeen Ku Soo Qabqabtay Rag Tuhuno Argagixiso Galeen.
May 17, 2016 - Written by admin
">

Howlgalkaan oo ciidamada ay ku beegsadeen Afar goobood oo ka mid ah Magaalada Hargaysa ayaa waxaa lagu guuleystay saddex meelood oo ka mid ah Bartilmaameedka in sidii loogu talo galay ay u dhaceen.

Afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa Saxaafadda u sheegay intii howlgalka u socday inuu dhaawacmay Sarkaal ku xigeen ciidanka Booliska ka tirsan, ciidamadana ay soo qabteen ninkii falka dhaawaca u geystay ciidamada.

“Ciidanka Booliska iyagoo gudanaya waajibaadka Qaran ee ay u dhaarteen, inagoo sidoo kale u diyaar garoobeyna 18 May ayaa waxay Ciidanka Boolisku howlgal ka sameeyeen Illaa Afar goobood nasiib wanaag sadex kamid ah waa lagu  guuleystay, hal sarkaal ayaa naga dhaawacmay, Ciidamada waxa ay gacanta ku soo dhigeen ninkii dhaawaca geystay iyo nin kale oo la joogay,kiiskaas  waa la baarayaa Maxkamadda ayaa loo gudbinayaa.”Ayuu yiri Faysal Xiis.

Magaalada Hargaysa ayaa waxaa si weyn loogu diyaargaroobayaa qaban qaabada xuska 18-ka May oo guud ahaan Somaliland si weyn looga xuso.

COMMENTS
Latest News