Haqabtirenews.com
Kooxda Shabaab oo dagaal culus ku qaaday Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
May 16, 2016 - Written by admin
">

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay dagaal culus waxa ay ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya.

Shabaabka ayaa dhowr jiho ka weeraray ciidamada Magaalada ku sugan, iyadoo halkaasi uu xalay ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad, sida masuuliyiinta Maamulka ay sheegeen.

Dagaalkaasi oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Guhaad Cabdi Warsame, ayaa sheegay in ciidamada ay iska caabiyeen Shabaabka weerarka soo qaaday.

Wararka madaxa banaan ayaa sheegaya in shan ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah halkaasi ay ku geeriyoodeen, sidoo kalena ay jirto Khasaare kale oo dhaawacyo ah.

Shabaabka ayaa Warbaahintooda ka sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid abaabulan oo ay ka qayb qaateen Boqolaal ciidamada Shabaab ka tirsan.

COMMENTS
Latest News