Haqabtirenews.com
RASMI: Everton Oo Shaqada Ka Ceyrisay Macalin Roberto Martinez Kadib Guuldaradii Xalay Ka Soo Gaartay Kooxda Sunderland.
May 12, 2016 - Written by Sports Staff
">

Everton ayaa shaqada ka ceyrisay macalinkeedii ree Spain ee Roberto Martinez kadib guuldaro kale oo xanuun badna oo xalay kasoo gaartay kooxda Sunderland taasoo ay Black Cats ka kaga badbaadeen u laabashada heerka labaad ee horyaalka Championship ka dalka ingiriiska.

Kooxda Blues ka ayaa ku dhibtootay iney wax guul ah gaarto kulamadii ugu danbeeyay iyagoo ku dhibtoday iney helaan qaab ciyaareed joogto ah taasoo keentay iney jamaahiirta kooxda ku kacaan maclainka ree Spain iyagoo codsanayay in la ceyriyo.

War rasmi ah oo kooxda ay ku tiri bogeeda ayaa lagu yiri “ Kooxda waxay cadeynaysaa in la masaxay qandaraaskii macalinimo ee Roberto Martinez kadib wada hadal labo geesood ah oo dhexmaray isaga iyo maamulka kooxda”.

Roberto Martinez ayaa kooxdaan kala wareegay maclainkii hore ee Manchester United ee David Moyes kaasoo isna shaqada ka badalay macalin Sir Alex Ferguson oo ciyaaraha ka faiistay sanadii 2013

Martinez

Halyeeyga ree Holland ee Frank De Boer ayaa ugu cadcad inuu ninkaan ka badalo shaqado kooxda Goodson Park kadib markii uu ka tagay shaqada kooxda Ajax.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News