Haqabtirenews.com
Maxaa Ka Jira In Cristiano Ronaldo Uu Heshiis La Gaaray Kooxda Faransiiska Ee Paris Saint-Germain?
May 11, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa heshiis la gaartay Cristiano Ronaldo oo ah inay leeyihiin doorashada koowaad haddii xiddiga Real Madrid uu go’aansado inuu ka tago Bernabeu, sida ay ku warameyso jariirada Faransiiska ee Le Parisien.

31 jirkaan ayaa ah muhiimada koowaad ee kooxda heysata horyaalka Faransiiska waxaana ay heshiis la gaareen Jorge Mendes oo ah wakiilka xiddiga reer Portugal, waxaana uu heshiiskaas yahay in Ronaldo uu ku biiri doono PSG haddii uu go’aansado inuu ka tago Real Madrid.

War wanaagsan ayayse u tahay jamaahiirta Madrid. Ronaldo ayaa qandaraas kula jira kooxda soo gaartay finalka Champions League ilaa iyo 2018, halka qorshaha Zinedine Zidane ee qandaraas kordhinta ay gaarsiin karo Ronaldo inuu sii joogo Bernabeu ilaa iyo 2021.

Si kastaba, kooxda xilli ciyaareedkan hanatay horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa u aragta guul yar.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News