Haqabtirenews.com
Akhriso Gabay Ku Saabsan Xuska 18-May Iyo Curintii Abwaan Ducaale Cabdirahman Xussen.
May 11, 2016 - Written by admin
">

Tirataa sinaatee

Saakana waxay tahay Maalintii la sugayee

Dadku saadaalinaaye

Suuqyada hergeisiyo burco sayladeediyo sool iyo sanaagiyo

ninka saaxil jooga Odhan jiray ma soconaa

Magaceen ma socnaa ?

Sumadeena calanka Daruuraha ma saarna?

Sahan maw baqoolna ?

Saadasha maqanbaa Ictiraafkii sidatee Ma sugnaa maraykan?

Mise waynu soonaa Saladaynu tukanaa Sakadaynu bixinaa Saatirkaynu barinaa Sune iyo faralkiyo Sujuudaynu adkaynaa

Su’aashaydu waxay tahay Maxaa loo sabeeya Hadba loo socdaala Santeena madawgaa Saska looga qaada

Ninka saba cadaanke

Sacabada u tumaye Sumalkayga qalaye Sooryada u dhigayee Sahalaw yidhaahda Dadka kama sareeye Maxaa lagu sifeeya

Allahayaw sidii roon Allahayaw sidii saxan Saakaba na waa faji

COMMENTS
Latest News