Haqabtirenews.com
XASAASI: Arsenal oo wadahadalo guuleystay la qaadatay Riyad Mahrez iyo N’Golo Kante – Man Utd, Liverpool, Barcelona iyo Real Madrid oo iska quustay.
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

Arsenal ayaa bilaawday wadahadal ay kula soo wareegeyso labada ciyaaryahan ee Leicester City Riyad Mahrez iyo N’Golo Kante marka suuqa kala iibsiga furmo, sida ay sheegayaan wararka France.

Labada ciyaaryahan ayaa horyaalka u qaaday kooxda Claudio Ranieri xilli ciyaareedkan, Arsene Wenger ayaa doonaya in uu labadoodaba keeno waqooyiga London.

France Football ayaa shaacisay in wadahadalo horay u dhacay la isku fahmay, iyadoo labada ciyaaryahanba ay ku wajahan yihiin  Arsenal.

Mahrez, oo 25 jir ah, ayaa la fahamsan yahay in lagu qiimeeyo ku dhowaad £ 40million, halka Gunners ay Kante, oo 25, ku dooneyso £ 20m marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Manchester United, Liverpool, Barcelona iyo Real Madrid ayaa dhamaantood la rumeysan yahay in ay isha ku hayaan saxiixa ciyaaryahanka PFA ku guuleystay ee Mahrez.

leicester

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News