Haqabtirenews.com
SHIRKII Tababaraha Chelsea: Arinta Terry, Kulanka Liverpool & Sababta ay musiibada ugu dhacday Chelsea.
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

Tababaraha Kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa qiray in kooxda ay gashay xili ciyaareed musiibo ah kadib dhibaatadii soo gaartay.

Kooxdii difaacan weysay horyaalka ee Chelsea ayaa habeen danbe usafreysa naadiga Liverpool xili aysan jirin muhiimad gaar ah oo uu kulankaas uleeyahay maadaama ay horyaalka heerka dhexe kaga jirto.

Guus Hiddink ayaa shaqada Chelsea ku wareejin doona macali Antonio Conte kadib Euros, waxaana isagoo arintaas ka hadlaya uu yiri : “Marka aan ka hadlayo arinta weyn ee ah Musiibo, waxaa ay ila tahay in wax weyn ay ka dhacayaan dunida, laakiin kubadeena cagta, sidaan oo kale waxaad dhihi kartaa musiibo’.

“Chelsea waxaa qasab ku ah iney had iyo jeer ku jirto halka ugu sareysa. sidii ay horey u ahaan jirtayba, waana iney udagaalantaa koobab ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.”

Hiddink ayaa Chelsea kala wareegay Jose Mourinho, hase ahaatee xiligaas Chelsea waxaa ay fadhisay kaalinta 16-aad iyadoo wax yar ujirtay heerka loogu laabto horyaalka labaad.

Everton-v-Chelsea-FA-Cup

Tababaraha Kumeel gaarka ah ee Chelsea ayaa yiri: “Shaqadeydii koobaad ee aan weydiiyay ayaa aheyd inaan kasoo baxno heerka loogu laabto kaalinta labaad, mana jiri bartilmaameed kas ka weyn, haatan waan kasoo baxnay heerkaas wax walba ayaase ka dhici kara horyaalka Ingiriiska!’

“Qofna ma uusan rajeyeyn in Leicester ay horyaalkan qaadeyso, laakiin waa ay dhacday, waxaa sidoo kale bartilmaameed inoo ahaa FA cup-ka iyo Finaalka Champions League-ka laakiin taas ma aysan dhicin”.

Tababaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Miyaan faraxsanahay hatan? Haa waan ku faraxsanahay inaan kasoo baxnay heerka hoose, laakiin waa inaad dib u aas aastaa hadafkaada kale oo aad mar kale dirada saartaa tartan cusub.”

Hiddink ayaa dhanka kale qirtay in kabtan John Terry uu ulqamo inu ciyaaro kulankiisii ugu danbeeyay hase ahaatee ay wax laga xumaado tahay inuu ganaax ku maqnaanayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa in Terry uu sii joogo kooxda mudo kale si uu naadiga ucaawiyo.

Chelsea ayaa isku diyarineysa habeen danbe kulanka Liverpool,macalin Hiddink ayaana rajeynaya iney kulankaas guul soo gaaraan.

Everton-v-Chelsea-FA-Cup

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News