Haqabtirenews.com
RASMI: Bayern Munich Oo Heshiis Ka Gaartay La Soo Wareegista Kabtanka Borussia Dortmund Mats Hummels.
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

Bayern Munich ayaa dhameystirtay la soo wareegista kabtanka kooxda Borussia Dortmund Mats Hummels.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka Hummels oo 27 sanno jir ah ayaa hal sanno ay kaga harsaneyd qandaraaskiisa Dortmund laakiin waxa uu doonayay tartan cusub ka dib sideed sanno uu kooxda joogay.

Mats Hummels ayaan weli tijaabada caafimaadka marin laakiin waxa uu Bayern Munich u saxiixi doonaa heshiis shan sannadood ah sida la shaaciyay goor dhaweyd.

mats-hummels-verhandelt-angeblich-mit-dem-fc-bayern-muenchen-

Hummels ayaa noqonaya xiddigii seddexaad ee Borussia Dortmund ah ee si toos ugu biira Bayern Munich muddo afar sannadood ah; Mario Gotze ayaa heshiis 30 milyan euro ku wareegay 2013 ka hor inta uusan Robert Lewandowski si xor ah ugu biirin.

Waxaana ku dhawaaqista heshiiskaan ay ku soo aadeysaa xilli ay sidoo kale Bayern Munich ku dhawaaqday inay 35 milyan euro kula soo wareegeen xiddigii kooxda Benfica Ranato Sanches oo 18 sanno jir ah.

 Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News