Haqabtirenews.com
PSG Oo Weerar Ku Ah La Liga – Waxay Doonayaan Cristiano Ronaldo, Jan Oblak Iyo Diego Simeone.
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in kooxda Paris Saint-Germain ay dooneyso inay xagaga soo xerogeliso Cristiano Ronaldo, Jan Oblak iyo Diego Simeone.

Sida lagu qoray France Football kooxda PSG ayaa dooneysa inay shan wajiyo cusub ah keento, Ronaldo, Oblak iyo Simeone ayaana ah seddex ka mid ah halka labada kale ay kala yihiin Leonardo agaasimahoodii hore iyo xiddiga khadka dhexe ee Marseille Lassana Diarra.

ronaldo-blanc490epa_3

Cholo ayaa loo calaamadeystay inuu yahay ninka buuxinaya booska uu baneynayo tababare Laurent Blanc, waxaana ay PSG ka maseyrsan tahay guulaha uu la gaaray Atletico Madrid ee Champions League.

Ronaldo ayaa muddo dheer diirada u saarnaa kooxda horyaalka Faransiiska hanatay ee ay maalgeliso Qatar, waxaana ay awoodaan lacagta ay uga soo kaxeyn karaan Bernabeu, halka goolhayaha Jan Oblak loo arko inuu yahay goolhayahe ka fiican goolhayayaasha haatan ee PSG Slavatore Sirigu iyo Kevin Trapp.

Waxaase xusuusin mudan in ragaan wakiilka ka ah La Liga inay yihiin kuwa ay adag tahay in la helo ama qaali ah.

 Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News