Haqabtirenews.com
NO, Ramos & Naymer: Suarez iyo Ronaldo oo hogaaminaya shaxda xili ciyaareedka La Liga – Miyuu Messi kujiraa?
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

Iyadoo xilli ciyaareedkan La Liga uu ka harsan yahay kaliya hal todobaad,Laacibii.com ayaa Goal shaxda ciyaartoyda ugu fiican ee horyaalka ka qeyb galay 2015-16 kasoo xigatay.

Waxaa loo sameeyay qaab koox ahaan ah, iyaoo 11 xiddig laga soo xushay dhamaan ciyaartooydii ka qeyb gashay xili ciyaareedkaan Horyaalka.

Goolhayaha Atletico Madrid oo ku guuleys abaalmarinta Zamora ee la siiyo goolhayaha  goolasha ugu yar La Liga laga dhaliyo ayaa celcelis ahaan kulankiiba laga dhaliyay (0.49)

waa mid ka mid ah goolasha ugu hooseeya ee taariikhda Primera Division laga dhaliyo goolhaye, kooxda  The Rojiblancos ‘ayana laheyn awood xoogan oo daafaca ah tasoo cawisay goolhayaha.

Jan Oblak ayaa lasoo xulay shaxda kooxda xili ciyaareedka ee Horyaalka Spain.

Daafaca dambeedka midig ayaa lasoo xulay kooxda Diego Simeone xilli ciyaareedkan, Juanfran  ayaa si fiican booskiisa u difaacday 21 ka mid ah 34 kulan o uu ka ciyaaray La Liga xilli ciyaareedkan,

Daafaca dhexe ee Barcelona Javier Mascherano ayaa daafaca ugu fiican xilli ciyaareedkaan lasoo xulay,

Iskashiga fiican ee uu la leeyahay Gerard Pique, ayaa keentay in ninka reer Argentine hogaamiye dhab ah uu ka noqdo kooxdiisa.

Catalans ayaa shabaqa ilaashatay 11 ka mid ah 31 kulan oo uu usaftay daafacaan.

Daafaca kale ee reer Uruguay Diego Godin ayaa lagu mataaneeyay daafaca dhaxe ee ugu fiican La Liga xili ciyaareedkaan.

30 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Atletico horyaalka La Liga, waxaa laga dhaliyay kaliya 11 gool iyadoo kooxda Diego Simeone had iyo jeer ay ku tiirsan tahay.

Daafaca bidix ee reer Brazil Marcelo ayaa booskiisa kooxda xili ciyaareedka kusoo baxay, labo gool ayuu dhaliyay, saddex caawine wuu sameeyay ,wadar ahaan 50 fursadood ayuu abuuray xili ciyaareedkaan La Liga.

Xiddiga Barcelona Sergio Busquets ayaa weli ah ciyaaryahanka khadka dhexe ee daafaca ugu fiican La Liga,

Blaugrana iyo Luis Enrique ayaa aaminsan awooda degan ee uu isticmaalo xiddiga Spain.

Xididga Croatia Luka Modric ayaa hal abuuraha ugu weyn ee Real Madrid qadkeeda dhexe ahaa,

Modric waxaa uu ku lug lahaa ku dhowaad 90 % goolasha weeraryahanada kooxda dhaliyeen xili ciyaareedkaan, halka uu sidoo kale dhaliyay labo gool.

Tan iyo tagistii Arda Turan xagaagii hore, ciyaaryahanka khadka dhexe ee dhalinyarada ah Koke ayaa asaasiga awooda dhaxe ee Atletico ahaa,

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa in kabadan (14) caawin sameeyay, halka uu abuuray  fursado lamid ah Lionel Messi oo ah (74) isagoo sidooale shan gool dhaliyay.

Weeraryahanka Argentine Lionel Messi ayaa si cajiib ah kusoo laabtay xili ciyaareedka 2015-16, inkastoo goolal ka yar kuwii looga bartay uu dhaliyay hadda  awoodiisa abuurista aya sareysay.

Waxa uu dhaliyay 26 gool 32 kulan oo uu saftay,16 ayuu cawiyay isagoo abuuray 74 fursadood oo, asxaabtiisa kooxda. Wada jir ahaa Luis Suarez iyo Neymar, ugu faa’’iideysteen

Yaa yiri weerarka dhexe ee Barcelona kuma guulaysan karo Luis Suarez? Xiddiga Uruguay ayaa weerarka ugu goolasha badan MSN 2015-16 iyo haatan ah.

Waa hogaamiyaha kabta dahabka, isagoo sidookale 16 gool caawiyey tasoo layaab kale ah.

Ka dib markii ay ku bilaabatay xalad kacsan Real Madrid oo uu hogaaminayay Rafa Benitez, weeraryahanka reer Portugal CRISTIANO RONALDO ayaa ku soo laabtay si uu u cajiib ah La Liga dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

33 gool ayuu dhaliyay isagoo11 caawiyey xili ciyaareedkaan.

LaLigha

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News