Haqabtirenews.com
Muxuu Lionel Messi Ku Yiri Goolhaye Pau Lopez Intii Ay Socotay Kulankii Catalan Derby Sabtidii?
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

Lama ogaanin laakiin Messi ayaa aflagaadeeyay goolhaye Pau Lopez intii ay socotay kulankii Catalan Derby ee ka dhacay sabtidii garoonka Camp Nou iyadoo Barcelona ay kulankaas 5-0 ku garaacday Espanyol.

“Soco nacasyahow… doqon” ayuu xiddiga reer Argentina ku yiri goolhayaha sida lagu qoray EcoDiario.es.

Xiddiga reer Argentina ayaa hadalkaas yiri ka dib mid ka mid ah goolasha shanta ah ee ay dhalisay kooxdiisa taasoo u ogolaatay inay sii ceshtaan hogaanka horyaalka ka hor isbuuca ugu danbeeya xilli ciyaareedka.

messi-pau-insult-1462876030037

Pau Lopez ayaa ku istaagay Messi intii ay socotay kulan u dhaxeeyay labada kooxood bishii Janaayo, halka uu sidoo kale ka hor kulankii sabtida uu sheegay inuu doonayo inuu Barca gacmahooda ka bixiyo koobka horyaalka.

EcoDiario.es ayaa sheegeysa in Messi uu aflagaadada geystay ka dib markii uu Luis Suarez dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee ciyaarta isagoo dhaliyay gool labaad qeybtii danbe ee ciyaarta.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News