Haqabtirenews.com
Maya kan ha siibin ee bixi Vazquez! Ronaldo oo ku lug yeeshay go’aanada diilinta farsamada ee Real Madrid [Daawo]
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

cristiano-ronaldo-talks-to-zidane-may-2016

(Madrid) 10 Maajo 2016. Hadii awal ay shaki ka qabtay in Cristiano Ronaldo uu ku lug leeyahay maamulka farsamada ee Real Madrid, malaha ficiladiisii kulankii ay Valencia 3-2 uga badiyeen ayaa maankaaga badalaya.

Waxa uu badal ku sameeyey Lucas Vazquez maxaa yeelay waxaa uu Zidane qorsheenayey in uu siibo James Rodriguz balse Ronaldo ayaa go’aankiisa badalay.

Dabcan, malaha sababtu waxa ay tahay Vazquez jug ayaa soo gaartay laakiin waxa uu qorshaha badalmay markii uu weeraryahanka u yimi Zizzou.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News