Haqabtirenews.com
Matic Oo U Wareegaya Man United, Lallana Oo London Ku Jeeda Iyo Wararkii Kale Ee Ay Suuqa Kala Iibsiga Maanta Ka Qoreen Wargeysyada Ingariiska.
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">
Maalin wanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda maanta oo Talaado ah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka mas’uul ah wargeysyada magacooda uu ku hor xusan yahay.
daily mail

West Ham ayaa u soo bandhigtay Theo Walcott kubad joogta ah si ay uga soo kaxeystaan xagaaga kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa dalab dalab ka gudbisay daafaca kooxda Bolton Wanders Rob Holding.

Nemanja Matic ayaa doonaya inuu ka tago Chelsea laakiin uu sii joogay Premier League waxaana uu ku biiri karaa Manchester United.

FIFA ayaa dooneysa in Jose Mourinho uu kala taliyo madaxweyne Gianni Infantino sida xiriira kubada cagta dib loogu soo celin lahaa inay diirada uun saaro kubada cagta.

Kabtanka Chelsea John Terry ayaa doonaya inuu labo sanno kale sii joogo Stamford Bridge.

daily mirror

West Ham ayaa 25 milyan ginni ku dalbaneysa isbuucaan weeraryahanka kooxda Liverpool Christian Benteke haddii ay ku guuldareystaan inay soo xerogeliyaan xiddiga Marseille Michy Batshuayi.

Xiddiga diirada u saaran Chelsea Henrikh Mkhitaryan ayaa wadahaladii qandaraas kordhinta ahaa ee Borussia Dortmund hakad la geliyay.

John Terry ayaa kireystay garoonka Stamford Bridge si uu ugu ciyaaro kulankiisii ugu danbeysay maalinta isniinta ka hor inta uusan xagaaga ka tagin Chelsea.

the guardian

Danny Welbeck ayaa dhaawac jilibka ah ku seegi doona Euro 2016 iyadoo Theo Walcott ama Andros Townsend ay macquul tahay inay bedelaan.

daily telegraph

West Ham ayaa dalabyo ka gudbin doonta Michy Batshuayi, Alexandre Lacazette iyo Christian Benteke, waxaana ay iibsan doonaan midkii dalabkiida la soo hor aqbalo.

Antoine Griezmann ayaa u sheegay saaxiibo inuu diyaar u yahay inuu iska diido dalabyada qaaliga ah ee uga imaanaya Premier League si uu u sii joogo Atletico Madrid.

daily express

Louis van Gaal ayaa u sheegay saaxiibo inuu sii ahaan doono tababaraha Manchester United haddii ay u soo baxaan Champions League oo ay ku guuleystaan FA Cup.

John Terry ayaa labo kulan la qaatay tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte laakiin waxa uu weli ku guuldareystay inuu hubanti u helo mustaqbalkiisa.

Tottenham ayaa isku diyaarineysa inay 20 milyan ginni ku keenyo White Hart Lane xididga kooxda Liverpool Adam Lallana.

Manchester United ayaa lagu waramayaa inay la socoto xaalada da’ yarka kooxda Celtic Daniel Church.

Xiddiga diirada u saaran Arsenal ee Vincent Janssen ayaa ka tagi kara AZ Alkamaar xagaagan sida uu sheegay wakiilkiisa Patrick van Diemen.

Manchester United ayaa xiriir la sameysay Riyad Mahrez si ay u la soo wareegaan xagaagan.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)Wargeysyada-460x260

COMMENTS
Latest News