Haqabtirenews.com
Liiska Hordhacaha Ah Ee Xulka Qaranka England Uga Qayb Gali Doona Tartanka Qaramada Yurub Ee Euro 2016 Oo Si Qalad Ah Loo Daabacay Iyo Xidigaha Liiska Ku Soo Baxay.
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

Qof FA-ga ka tirsan ayaa dhibaato dhexda kaga jira kadib markii uu si qalad ah u daabacay liiska hordhaca ah ee xulka qaranka England uga qayb gali doona tartanka Qaramada yurub ee euro2016. Wuxuuuna liiskan ka kooban yahay inta badan xidigigii la filayay in Roy Hodgson uu u soo xulan doono tartanka France.

Liiska ayaa laba qaybood ka kooban, qayb si toos ah loo soo doortay liis kale oo ay ku jiraan ciyaartoy tiro badani oo ah liiska heeganka. Liiska heeganka ayaa laga soo qaataa ciyaartoy marka uu dhaawac soo gaadho ciyaartoy ku jira liiska ka qayb galaya tartanka qaramada yurub ka hor inta aan liiska si rasmi ah loo xidhin.Hoy Hodgson

Goolhaye Joe Hart(Manchester City), Tom Heaton(Burnley) iyo Fraser Forster oo Southampton ka tirsan ayaa dhamaan liiska la soo doortay ku jira. laakiin Luka Shaw oo inta badan xili ciyaareedkan dhaawac ku maqnaa ayaa liiskan sida qaldan u baxay ku jira  halka difaaca kooxda Southampton ee Ryan Bertrand uu sina liiska ku jiro. waxaana liiska kuwada jira Gary Cahil, Nathaniel Clyne, Phil Jagielka, Chris Smalling iyo John Stones.

Kadhka dhexe waxaa liiska lagu soo daray da’yarka Dele Alli, Danny Drikwater, Eric Dier, waxaana khadka dhexe kula weheliya Jordan Henderson, Adam Lallana, Jack Wilshere, Ross Barkley, Raheem Sterling iyo James Milner.

Ugu danbayn liiskan sida qaladka ay u soo baxay ayay weerarka ku wada jiraan Harry Kane, Wayne Rooney, Jamie Vardy iyo Danile Sturridge.

Liiska hordhaca ah ee England isla markaana sida Qaladka ah loo shaaciyay Halkan kaga bogo, waxa kale oo aad qaybta hoose kaga bogan kartaa liiska ciyaartoyda heeganka ku jira:

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News