Haqabtirenews.com
Dhawaqi dhalinyarada, dhago adaygi xukumada, iyo dhiira galintii waddani.
May 10, 2016 - Written by admin
">

Inbadan ayeey dhalinyarada Somaliland cod dheer iyo mid gaaban ba ugaga hadalen baahiyaha haysta sida shaqo la`anta, wareegyada ciyaaraha, ka qayb galka siyaasada iyo IWM. Iyako dawlada usi marinya TV yada Websiteska iyo social mediaha. Qar koodna ay CV u xarysteen xaruumaha shaqo ay ka bananyihin, inta loso jawabana ay yartahay
Hadaba dawladu side ayey ugu jawabatay dhawaqa dhalinyarada ?
Xukumada manta talada haysa maalinti la dooranyi waxa u codeeyay 54% oo dhalinyara
Ku dhawad 7 sano ay xilka hayso dawladu intay ka shaqalaysisay dhalinyarada way ka yartahay 10%
Taaso sababtay in ubixi Somaliland badaha waawayen ay isku shuban, dawladuna ay niyada ka disho oo marba saxafada la so istaagto dhalinyaradi waanu shaqalaysiinay oo waxban u qabanay. Iyako boosaski dhalinyarada ku buuxiya 50 jir una maareeya hab qabiil. Sido kale waxay wasarada ciyaaraha ay ku fashilantay wax ka qabashada koobki gobalada Somaliland ee 2015 taaso dhalinyaro badan oo gobalada u ciyaarayi niyad jab ku noqotay kana tahriiben dalka !
Miyan la odhan Karen dawladu way ka soo bixi wayday arimaha dhalinyarada !
Hadi anu u nimaadno doorka WADDANI ee dhalinyarada
Doorka dhalinyarada ee xisbiga WADDANI waxa uu sameeyay waxqabad la taaban karo oo ku sabsan dhalinyarada sido kale waxay sameyen mustaqbalka waxa uga yaala dhalinyarada hadi xilka ay ku guulestan 2017
Waxqabdka ay samyeen waxa ka mida
1: in gobolada oo dhan ay ka fureen tartan ciyaared kaaso ujeedkisa u aha is dhax galka dhalinyarada
2: agab ciyaared oo ay u qaybiyeen dhalinyarada gobalada iyo tuuloyinkaba
Sido kale waxa uga qorsheesan mustaqbalka arimaha dhalinyarada waxa ka mida
Dawladda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:
• • Xisbiga WADDANI mar kale ka go’an in uu dhallinyarada ka hor-qaado dabarka da’da ee dastuuriga ah ee ka hor-taagan ka-qayb-galka Golaha Wakiilada, isaga oo u maraya dariiqa wax-ka-beddelka dastuurka
• In loo qoondeeyo 40% shaqooyinka dawladda ka soo baxa iyo kuwa mashaariicda deeq-bixiyeyaashaba iyo in shaqooyinka muwaadiniintu qaban karayso aan debedda shaqaale looga doonin
• Dhismaha xarumo kaalmeeya hirgelinta mashaariicda iyo hal-abuurka dhallinyarada oo magaalo-madaxda gobol kasta ku yaalla, oo ka taageerta dhalinyarad warsiinta iyo isku-xidhka shirkadaha waaweyn, tababarka, diyaarinta qorshaha mashruuca, qiimaynta sida uu midho-dhal u noqon karo iwm,
• Dhiirri-gelinta mashaariicda ku saabsan wax-soo-saarka gudaha, sida xoolaha, beeraha, kalluumaysiga iyo Xabkaha,
• Dhiirri-gelinta hal-abuurka iyo curinta technoolajiyada, wax-soo-saarka iyo adeeggaba,
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
• Tayeynta Wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada si ay u fuliso hiigsiga qaranka ee ka-qayb-galka ciyaaraha heerka dunida,
• Horumarinta ciyaaraha iyo dhiirri-gelinta naadiyada gaarka loo leeyahay,
• Isku-xidhka shirkadaha waaweyn iyo naadiyada ciyaaraha si ay u maal-geliyaan ciyaartoyga soo baxaya ee tartammada goboleed iyodunidaba hiigsan kara,
• Samaynta kooxo qaran (National Teams),
• • Dhiirri-gelinta iyo kobcinta ciyaaraha wareegyada: qaran, gobollada, degmooyinka iyo dugsiyadaba,
Iyo qaar kalo badan

Hadaba manta waxa la maraya wakhtigi dhalinyarada Somaliland ay aayahooda ka tashan lahyeen .
Waxan dhalinyarada uso jeedin laha in fikirka qabyalada ay wax ku dooran iyo qof jeclaysiga lakinse ay ku doortan waxa ay xisbiyada ay ku tartamayaan kana fikiran xisbiga wax u qabanaya ee u muuqda inu yahay mid wax qabad leh.
Wa bilahi tawfiq

COMMENTS
Latest News