Haqabtirenews.com
CAJIIB: Luis Suarez Oo 94 Kulan Oo Kaliya Ku Jabiyay Rekoodh TOBAN Xili Ciyaareed Uu Ku Dhigay Ciyaartoy Ree Urugay Ahaa Oo Barcelona U Soo Saftay 224 Kulan Iyo Xogtan Oo Faah Faahsan.
May 10, 2016 - Written by Sports Staff
">

Heerka gool dhalinta Luis Suarez ee Barcelona ayaa ku socota dardar waali ah, wuxuuna dhawaan jabiyay rekoodhkii gool dhalinta ee Ronaldo Luís Nazário de Lima oo Barcelona udhaliyay 47 gool waxayn ahaayeen goolal uu dhaliyay xili ciyaareedkii 1996/97kii. Laakiin waxaa yaab ah in Luis Suarez uu kulankii Espanyol jabiyay rekoodhka gool dhalinta ee ciyaartoy Uruguay ahi udhaliyay Barcelona waxaana rekoodhan haystay  Ramón Alberto Villaverde Vázquez oo rekoodhkan ku gaadhay toban xili ciyaareed iyo waliba 224 kulan. Balse Luis Suarez ayaa rekoodhka Villaverde ku jabiyay 94 kulan oo kaliya.

Luis Suarez ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii Catalan Derby ee ay Barcelona 5:0 ku xasuuqday kooxda Espanyol waxayna labadaas gool ka caawiyeen in magiciisa lagu qoro buuga rekoodhada Barcelona. Xidigii ree Uruguay ee Ramón Alberto Villaverde Vázque ayaa Barcelona la soo qaatay toban xili ciyaareed wuxuuna udhaliyay 81 gool oo uu ku dhaliyay 224 kulan laakiin Luis Suarez ayaa 81 gool ku dhaliyay 94 kulan oo kaliya.Suarez

Luis Suarez ayaa 53 gool ka dhaliyay horyaalka Spain ee La Ligaha laba xili ciyaareed oo uu joogay Camp Nou isaga oo waliba xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay afar bilood ganaax ay FIFA ku riday ku maqnaa, 15 gool waxa uu ka dhaliyay Champions Leaque-ga, 7 kale ayuu ka dhaliyay Copa Del Rey wuxuuna sidoo kale 5 gool ka dhaliyay FIFA Club World Cup oo uu hal tartan ka qayb galay iyo waliba hal gool oo uu ka dhaliyay Spanish Super Cupka.

Luis Suarez ayaa xili ciyaareedkan Barcelona tartamada oo dhan uga dhaliyay 56 gool wuxuuna 37 gool ka dhaliyay kulamada La Ligaha wuxuuna ka goolal badan yahay kooxaha Real Betis (32), Espanyol, Levante iyo Getafe oo dhamaantood dhaliyay min 36 gool. Wuxuuna xidiga ree Uruguay uu 11 gool ku dhaliyay afartii kulan ee ugu danbeeyay La Ligaha.

Si kastaba, Luis Suarez ayaa kulanka Granada la arki doonaan haddii uu gool dhalintiisa La Ligaha uu wax ku sii darsan doono, wuxuuna gooldhalintiisa xili ciyaareedka sii kordhisan karaa kulanka finalka Copa Del Rey ee Sevilla. Suarez ayaa ilaa hadda hogaaminaya gool dhalinta yurub wuxuuna qarka u saaran yahay in uu markii labaad ku guulaysto kabta dahabka ah iyo markii ugu horaysay ee gool dhalinta La Ligaha.

 

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News