Haqabtirenews.com
rss LIVE SUUQA: Hatem Ben Arfa oo silama filaan ah loogu arkay xarunta tababarka Barcelona & Chelsea oo quusatay.
May 9, 2016 - Written by Sports Staff
">

HATAM Ben Arfa ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqo garoonka tababarka Barcelona si uu ugu biiro kooxda Barcelona.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, ciyaaryahankii hore ee Newcastle ayaa lagu soo waramayaa inuu u safray Catalonia isbuucii hore si uu wadahadalo heshiis ah ula sameeyo madaxda Barcelona.

Ben Arfa, oo 29 jir ah, ayaa qandaraaskiisa kooxda hadda uu u ciyaaro ee Nice xagaaga dhacayaa ,waxaa Luis Enrique uu doonayaa inuu ku xoojiyo Lionel Messi, Neymar iyo Luis Saurez.

Weeraryahanka koox la’aan ahaa muddo lix bilood ka hor ah inta uusan ku biirin Nice – ayaa dhaliyay 18 gool xili ciyaareedkaan Horyaalka France.

Chelsea ayaa sidoo kale dooneysa xiddigii hore ee Hull , iyadoo Antonio Conte uu doonayo inuu kooxdiisa ku xoojiyo,

bin af

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News