Haqabtirenews.com
Man united oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro Mats Hummels.
May 9, 2016 - Written by Sports Staff
">

Daily Express ayaa shaaca ka qaaday in Manchester United ay ku soo biirtay tartanka loogu jiro xiddiga xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda Borussia Dortmund ee Mats Hummels .

Express ayaa sheegtay in daafacan Jarmal ah xagaagii hore Albaabadka ka xidhay kooxda Manchester united Hummels ayaa sheegay inuu ka tagi doono Borussia Dortmund wararka oo dhan ayaa soo jeediyay inuu dib ugu noqon doono kooxdiisii hore ee Bayern Munich xagaagan.

manchester united ayaa ka gudbisay dalab rasmi ah xagaagii hore si ay ugu guulaysato Adeegiisa laakiin manchester united ayaa ku hungowday inkastooy dul dhigeen qiime dhan 30million kooxda Dortmund ayaa ka dalbatay inay miiska saaraan Lacag dhan 50millon.

Hummels ayaan muujin wax diidmo ama ogolaansho ah oo ku aadan wararkan laysla dhex marayo todobaadyadii ugu dambeeyay.

warar ayaa sheegay in kooxda Dortmund aqbali doonto kooxdii la timaada 40million.

COMMENTS
Latest News