Haqabtirenews.com
Maalmaha Iyo Waqtiga La Ciyaarayo Isbuuca Ugu Danbeeya Horyaalka La Liga Oo La Xaqiijiyay – Barcelona Iyo Real Madrid Goormee Ayay Ciyaarayaan?
May 9, 2016 - Written by Sports Staff
">

La Liga ayaa xaqiijisay maalmaha iyo waqtiga la ciyaarayo kulanka ugu danbeeya horyaalka Spain iyadoo aan arki doono labada kooxood ee horyaalka u tartamaya Barcelona iyo Real Madrid oo isku waqti ciyaaraya.

Maalinta sabtida ee 14ka bishaan Maajo saacada geeska Afrika marka ay tahay 6pm Barcelona waxa ay raadin doontaa inay ka badiso Granada si ay u xaqiijisato hanashada horyaalka, halka kun kiilomitir meel ka xirta waqooyi galbeed ay Real Madrid ku bartilmaameedsaneyso seddex dhibcood inay ku qaadato Deportivo, waxaana ay rajeynayaan in Barcelona ay dhibco dhumiso.

Maalinta axada isla 6pm saacada geeska Afrika waxaa la geli doonaa dagaalka kooxaha doonaya inay ka badbaadaan u laabashada horyaalka heerka labaad, Levante ayaa ilaa iyo haatan xaqiijisatay inay u dhacday heerka labaad.

1462739040_365598_1462777685_noticia_normal

Getafe ayaa u safri doonta Real Betis halka Sporting Gijon ay soo dhaweyn doonto kooxda Villarreal.

Shanta kulan kale ee hartay ee horyaalka oo aan micno ku fadhiyin ayaa la kala ciyaari doonaa sabtida iyo axada. Valencia ayaa fureysa kulamada isbuuca 38aad ee La Liga iyagoo habeenka jimcaha la ciyaaraya kooxda Real Sociedad, waxaana horyaalka xilli ciyaareedkan soo gabagabeynaya kulan u dhaxeeya Eibar iyo kooxda Espanyol.

Sevilla oo u safreysa Switzerland arbacada ku xigta iyagoo finalka Europa League la ciyaaraya Liverpool ayaa xilli ciyaareedkooda ku soo gabagabeynaya kulan ay u safrayaan Athletic Bilbao wax yar ka dib marka la xaqiijiyo kooxda hananeysa horyaalka.

KULAMADA LA LIGA EE ISBUUCA UGU DANBEEYA:

Jimce 

9:30pm SGA – Valencia v Real Sociedad

Sabti 

6pm SGA – Deportivo La Coruna v Real Madrid

6pm SGA – Granada v Barcelona

8:30pm SGA – Atletico Madrid v Celta Vigo

8:30pm SGA – Athletic Bilbao v Sevilla

Axad

1pm SGA – Malaga v Las Palmas

6pm SGA – Rayo Vallecano v Levante

6pm SGA – Real Betis v Getafe

6pm SGA – Sporting v Villarreal

8pm SGA – Espanyol v Eibar

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News