Haqabtirenews.com
Cristiano Ronaldo Oo Dhaliyay Goolkii 200aad Ee Garoonka Real Madrid Santiago Bernabeu.
May 9, 2016 - Written by Sports Staff
">

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 200aad ee garoonka Real Madrid Santiago Bernabeu kulankii Valencia ay la ciyaareen, kaliya isagoo 171 kulan saftay.

Laacibka ugu goolasha badan kooxda laba gool uu ka dhaliyay Los Che waxa uu gaaray 201gool ee  guriga Madrid, celcelis ahaan waa 1.16 gool ciyaar kasta oo uu ku ciyaaray garoonka Bernabeu.

Ronaldo ayaa dhaliyay goolkii ugu horeyay ee garoonka Real   rigoore kulan ay ka hor yimaadeed Deportivo  oo horyaalka La Liga ka tirsanaa sanadii 2009, waxaana uu tan iyo markii uu raaciyay  149 gool oo horyaalka ah, 40 gool oo Champions League ah, 10 gool Copa del Rey ah iyo hal gool uu ka dhaliyay  Spanish Super Cup.

3137402

Waxa uu dhaliyay shan gool ku dhaliyay Bernabéu hal mar, xili ciyaareedkii 2014/15 ciyaar ka dhan aheyd Granada, iyo sido kale afar gool waxa uu ku dhaiyay  shan goor  sedex koox (2010/11), Elche (2014/15), Malmö iyo Celta (laba kulan xilli ciyaareedkan).

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News