Haqabtirenews.com
Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City v Arsenal – Mesut Ozil Oo Ka Maqan Gunners & Toure Oo Kursiga Keydka Loo Dhaadhiciyay,.
May 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Tababare Manuel Pellegrini ayaa kursiga keydka u dhaadhiciyay Yaya Toure ka dib qaab ciyaareed liita oo uu soo bandhigay kulankii Champions League ee Real Madrid, waxaana booska khadka dhexe ee burburiyaha isku baheystay Fernando iyo Fernandinho.

Kabtan Kompany ayaa kulankaan dhaawac ku seegaya waxaana booskiisa buuxinaya Mangala oo ka garab ciyaaraya Otamendi, halka da’ yarka reer Nigeria Iheanacho uu fursad u helay mar kale inuu ku soo bilowdo shaxda kooxda Man City.

Manchester-City-vs.-Arsenal-live-lunchtime-kick-off

Dhanka kooxda Arsenal waxaa ka maqan Mesut Ozil oo ay Arsenal sheegtay inuu dhaawac ku seegayo kulankaan, waxaana booskiisa buuxinaya Welbeck oo ku soo laabtay shaxda isagoo ka garab ciyaaraya Iwobi iyo Sanchez halka weerarka uu hogaaminayo Giroud.

Cazorla ayaa kursiga keydka la fadhiya xiddigaha kala ah Wilshere iyo Theo Walcott.

SHAXDA RASMIGA AH:

Man City: Hart, Sagna, Mangala, Otamendi, Clichy, Navas, Fernando, Fernandinho, De Bruyne, Iheanacho, Aguero.

Keyd: Sterling, Caballero, Bony, Delph, Demichelis, Toure, Tasende.

Arsenal: Cech, Bellerin, Gabriel, Koscielny, Monreal, Elneny, Ramsey, Welbeck, Iwobi, Sanchez, Giroud.

Keyd: Gibbs, Wilshere, Ospina, Walcott, Cazorla, Campbell, Coquelin.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News