Haqabtirenews.com
SAWIRO: Leicester City Oo U Dabaal Degtay Koobkeedii Ugu Horeeyay Ee Horyaalka Ingiriiska Iyo Claudio Ranieri Oo Ka Rumeeyay Riyadii Jamaahiirta Foxes.
May 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Waxa ay ku dhamaatay sidii ay ku bilaabtay, Jamie Vardy iyo asxaabtiisa Leicester City ayaa guul ka gaadhay kooxda Everton si ay u dhamaystirtaan farxadii abid ugu waynayd ee ay helaan ciyaartoy Leicester City ahi, waxaana King Power Stadium lagu gudoonsiiyay koobka Premier leaque-ga ee ay dagaalka adag u soo galeen isla markaana ay sida lama filaan ah ugu guulasyteen.

Kaliya kulankii Leicester City iyo Everton ayaa kulankii furitaanka ii bilawgii xili ciyaareedkan kaga duwanaa in ayna jirin falaadhaha qoraxda ee kulankii Leicester City iyo Sunderland ee blawgii bishii August markaas oo ay soo bilaaban tahay mucjisada Foxes ee premier Leaque-gu.

Garoonka ayaa si wayn loo soo buuxiyay si qof kastaaba uu indhihiisa ugu arko kooxda Foxes oo la gudoonsiinayo koobka ay uqalantay ee Premier leaque-ga,waxaana koobkan kooxdiisa u gudoomay Wes Morgan oo noqday kabtankii 13 aad ee koobka Premier leaque-ga dhagaha qabtay.

Tababare Claudio Ranieri ayaa isna hantiyay koobka Premier Leaque-ga wuxuuna noqday tababarihii 8 aad ee koobkan kula guulasytay kooxaha horyaalka Ingiriiska, waxaana hadda si rasmi ah ugu rumawday riyadiisii ahayd in uu kooxda Foxes la qaado koobka Premier Leaque-ga oo waqti badan oo xili ciyaareedkan ah u muuqday mid riyo iyo ciyaar ah. Haddaba halkan ka daawo sawiradii dabaal dega Foxes ee koobka.

The Leicester City players celebrate winning the 2015-16 Barclays Premier League title by lifting the trophy at the King Power Stadium 
Leicester captain Wes Morgan (second right) and manager Claudio Ranieri (centre) celebrate with their historic league trophy on Saturday
The celebrations were already well underway at the King Power Stadium when Morgan and Co lifted the trophy in front of their home fans
The Leicester skipper proudly lifts the Premier League trophy at the King Power Stadium after easing to victory against struggling EvertonLeiceister City, Premier League champions 2015/16
Leicester City manager Claudio Ranieri (centre) lifts the trophy have led his side to an historic Premier League crown this season

Leicester owner Vichai Srivaddhanaprabha (middle row, fourth right) and his son Aiyawatt (front row, left) join for a photo on the pitch

COMMENTS
Latest News