Haqabtirenews.com
RASMI: Kooxda PSV Eindhoven Oo Xili Ciyaareedkii Labaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaystay Koobka Horyaalka Holland Ee Eredivisie.
May 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kooxda PSV Eindhoven ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay koobka horyaalka Holland ee Eredivisie kadib markii ay 3:1 ku garaacday kooxda Zwolle isla markaana ay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Ajax ay barbaro 1:1 ah ay la gashay kooxda De Graafschap. PSV Eindhoven ayaa difaacatay koobka horyaalka Holland oo ay xili ciyaareedkii horena ku guulasytay.

Kooxda PSV Eindhoven ayaa markii 23 aad ku guulasytay koobka horyaalka Holland laakiin kooxda Ajax ayaa iska lumisay fursad ay koobka ku qaadi lahayd waxayna kulankii ugu danbeeyay ciyaaraysay iyada oo kaalinta kowaad ugu jirtay farqiga goolasha oo ay kaga saraysay PSV Eindhoven laakiin waxay u baahnayd in ay guul ka gaadho kooxda De Graafschap si ay markii 34 aad ugu dabaal degto koobka laakiin barbaro 1:1 ah oo lagu qabtay Ajax ayaa koobka u gacan galiyay PSV.4

Ajax ayaa u muuqatay in ay guul ka gaadhayso kooxda De Graafschap kadib markii uu Amin Younes uu daqiiqadii 16 aad uu hogaanka u dhiibay Ajax  laakiin waxaa rajada Ajax ee koobka horyaalka Holland burburiyay Bryan Smeets oo goolka barbaraha u keenay kooxda  De Graafschap, wuxuuna goolkan dhaliyay iyada oo ay ciyaarta ka hadhsanayd 10 daqiiqo oo kaliya.

Dhinaca PSV waxaa goolasha u daah furay  Juergen Locadia halka Luuk de Jong uu laba gool dhaliyay si uu kooxdiisa uga caawiyo in ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay ku guulasato koobka horyaalka Holland.22

 

 

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News